Uncategorized

“Waxaanu soo Jeedinaynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan Xoriyadiisa loogu soo Celiyo Guuleed Daahir Samatar” Bayaan Xuquuqul Iinsaanka Somaliland

Hargaysa 21.Jan 2014 (SDN)-  Booliiska Somaliland waxay xidheen gudoomiye-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer, Guuleed Daahir Samatar iyada oo abaaro 2dii habeenimo Booliisku ay weerareen gurigiisa oo ku yaal magaalada Burco,Sidaa Waxaa lagu Sheegay Qoraal uu Soo Saaray Maanta Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka Ms. Mulaho Mohamed Ali.

hrcQoraalka Waxa uu u dhignaa Sidan:- Qaabka loo xidhay Guuleed waxay xadgudub ku tahay qodobka 25aad ee dastuurka Somaliland oo sheegaya inaanay banaanayn in  qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.

Waxay Booliisku ku galeen guriga Guuleed si xoog ah taas oo ka soo horjeedda qodobka 29aad ee dastuurka Somaliland. Waxa isla markiiba loo gudbiyay xabsiga Berbera oo lagu hayay sadex cisho amar maxkamad la?aan.

Waxa la sii daayay Guuleed 6 January 2014. Balse 9 January 2014 ayaa dib Booliisku u xidhay iyaga oo aan amar maxkamadeed waddan kadib markii uu doonay inuu dib ugu noqdo Burco.

Guuleed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani wax dacwad ah oo si rasmi ah loogu soo oogay ma jirto, balse Booliisku waxay ku eedeeyeen inuu abaabulay mudaharaad ka dhacay Burco 23 December. Eedahaas oo uu diiday Guuleed.

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo ama ka qayb qaato mudaharaad.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa masuuliyiinta Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadiisa ugu soo celiyaan Guuleed Daahir Samatar.

Hargeysa SDN.

Qurbejoog.com