Muqdisho 21.Jan 2014 (SDN)- Wararka naga soo gaaraya xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in uu hadda soo gaba gabeeyay R/wasaare Cabdiwali Sheekh khudbadii uu ka hor aqrinayay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsaneyd Barnaamijka Xukuumadiisa.
Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay wax badan kaga bedeli doonto xaalada iminka uu dalka maraayo, islamarkaana Xukuumadiisa ay xil iska saari doonto la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda si ay meesha kaga baxaan Masuq maasuqa hareeyay hay’adaha Dowladda.
Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay wax ka qabato.
Mudanayaasha Golaha Baarlamanka Somalia ayaa isku Haya Ansixinta Golaha Wasiirada iyadoo Tiro badan oo ka mid ah Xildhibaanadu ay diyaar la Yihiin Codka Diidmada Qayaxan.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
