Muqdisho 21.Jan 2014 (SDN)- Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay ansixinta xukuumadda cusub ee ra’iisul Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay maanta cod u qaadeen xildhibaannada baarlamaanka.
Nicholas Kay ayaa u hamblayeeyay wasiirrada cusub, wasiir ku-xigeennada iyo wasiirrada madaxtooyada.
Ergaygu wuxuu sheegay in golaha wasiirrada cusub ay horyaallaan waajibaad culus oo ay qeyb ka tahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed u gaarsiin lahaayeen nabad iyo dib-u-heshiisiin, nidaamka sharciga, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ku dhiirageliyay xukuumada cusub inay la shaqeeyso baarlamaanka iyo madaxtooyada, isla markaana ay tixgelin buuxda siiso dastuurka kumeel-gaarka ah ee federaalka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
