Uncategorized

Yuusuf Garaad Oo Talooyin Dhaxalgal ah Siiyey Madaxweyne Xasan iyo Ra’isal Wasaarihiisa Cusub

Muqdisho:22-Jan-2014(SDN)-Wariyaha Ruug caddaaga Soomaaliyeed, Haatanse u Digo Rogtay Dhinaca siyaasadda Yuusuf Garraad Cumar ayaa markale Bannaanka Soo Dhigay Mid ka mid ah caadooyinka Somalida dib u dhigay, kana digay inay Madaxda Dawladdu Dhaqankaas yeeshaan.

yuusufYuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa Si mug leh u sharraxay in Qabyaaladu tahay dabarka somalia ka xidhay horumarka iyo isku duubnida, waxana uu xusay inay madaxda Dawladdu waajib ku saaran yahay inay arrimaha noocaas oo kale ah ka dheeraato.

Yuusuf ayaa Qoraal Koob oo uu arrintan iyo dhibaatadeeda ku iftiiminayo soo Dhigay Boggiisa Face-book-ga, waxana uu Talooyin Muhiim ah u jeediyey Madaxweyne Xasan iyo Ra’isal Wasaare Cabdiweli.

Qoraalkiisan ayaa u dhignaa Sidatan:

“Xafiisyada dalka looga taliyo yaa ka shaqeeya?

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh in ay xafiisyadooda Soomaaliyeeyaan.

Wiilasha kartida badan ee xafiisyadaas ka shaqeeya, oo aniguna aan kala kulmo xusho dheeraad ah, dacwo kama ahi. Si iyagana afka looga daayo, cuqdadduna u yaraato, waxaan rabaa in Soomaali kale oo aan Madaxda ku reer ahayn lagu arko Madaxa, ku xigeenka Xafiiska ama iyo hawlwadeennada kale. Haddii taa la waayo ama lala daaho, yaan lala yaabin Wasiirrada cusub hadday ku daydaan Ra’iisal Wasaarahooda iyo Madaxweynahooda. Kor waayeel waa wada indho, runtana ma ahan in indhaha laga qarsado.”

Qoraalka Yuusuf garaad ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay inay Madaxda Dawladdu isku xeerto cidda ay isku qabiilka yihiin, islamarkaana ay ilaawaan oo cidla kaga tagaan dadkii kale oo soomaaliyeed, iyadoo taasi inta badan dhacda.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com