Muqdisho:22-Jan-2014(SDN)-Waxa lagu Wadaa In Maanta Oo Arbaca ah uu Golaha Baarlamaanka Somalia Dhaariyo Xukuumadda Ra’isaa Wasaare Cabdiweli oo uu shalay Fiidkii uun Ansixiyey.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa marka ay dhaariyaan maanta waxaa la filayaa inay si toos ah ula wareegaan wasiirrada cusub wasaaradaha loo magacaabay.
Xafladda dhaarinta oo qaban-qabadeeda ay ka soconayso magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan madaxweynaha iyo raysal wasaraha Soomaaliya.
Sababta Loo Dedejinayo Dhaarinta Wasiirrada maadaama xalay uun la ansixiyey, ayaa lagu sheegay inuu Soo Xulidoodii qaadatay wakhti aad u badan, islamarkaana ay Baarlamaanku geli doono fasax dheer.
Ra’isal wasaaraha cusub ee somalia ayaa isagu si weyn ula dhacsan ilaa iyo hadda hannaanka ay wax u socdaan, waxana uu shalay Siyaadda iyo Barnaamijka xukuumaddiisa ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka.
S.D.N
