Uncategorized

Cali Khaliif Oo Mar Kale Ka Hadlay Arrimaha Khaatumo, Digniin Horlehna U Diray Somaliland iyo Puntland

Nairobi:27-Jan-2014(SDN)-Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo  Ka mid ah Baarlamaanka Somalia, una Ololeeya Maamulka uu Gacantiisa ku Sameeyey ee Khaatumo, ayaa mar kale ka Hadlay sida uu Arko Maamulkaas iyo waxa u qabsomay intii uu jirey.

galyrXildhibaanka oo Ka Hadlayey munaasibad Maamulku ku soo bandhigay waxqabadkiisa, ayaa yididiilo weyn ka muujiyey arrimaha Khaatumo, waxana uu tilmaamay inay Ka mid tahay maamul-goboleedyada ku yaalla Somalia.

Cali Khaliif ayaa mar uu soo hadal qaaday  Puntland iyo Somaliland oo ay dhexda uga jirto Khaatuma waxa uu tilmaamay in aanay soo fara galin karin arrimaha Khaatuma State, maadaama  ay tahay maamul ka madax bannaan iyaga oo arrimihiisa maamulnaya.

Cali Khaliif ayaa Somaliland iyo Puntland u soo Jeediyey inay Faraha kala Baxaan Arrimaha Hoose ee Khaatumo, isagoo ku Gooddiyey inay Khaatumo dhawaan Yeelan Doonto Awood ay arrimaheeda ku difaacdo.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa si weyn ugu dheggan Arrimaha Khaatumo, waxase uu wali ku Guuldarraysan la’yahay inuu Maamulkaas Aqoonsi uga heli Dhinaca Dawladda Xasan Sheekh.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com