Uncategorized

Xubno Ka Tirsan Saraakiisha Dawladda Somalia Oo Sharciyeeyey Inay Gaadiidleyda Waddooyinka Isicmaashaa Lacago Bixiyaan

Muqdisho:27-Jan-2014(SDN)-Qaar ka mid ah Saraakiisha Dawladda ayaa ku dhawaaqay inay jiraan lacago la sharciyeeyey oo lagu qaadayo gaadiidleyda Xilli Laba Maalmood oo is Xiga cabasho arrintaas lagaga soo horjeedaa Ka Dhacday Deegaano ka mid ah dalka.

isbaaro.jp_Guddoomiyaha tuulada Balatul Amiin ayaa u sheegay warbaahinta in la billaabay lacag laga qaadayo baabuurta oo ay qaadayaan ciidamo Madani ah oo bedalay kuwii hore meeshaasi u joogay, waxana uu intaas ku daray inay Awood u haystaan ciidankaasi inay Lacagtaas qaadaan.

 

Lacagta ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu sugayo amniga deegaannada si la iskaga caabiyo kooxaha budhcadda ah oo shaadhka dowladda ku qadhaabta, isla-markaana Meesha looga Saaro dhibka ay kooxahaasi Shacabka ku hayaan.

 

Darawallada qaar ayaa la soo sheegaya in ciidamada madaniga ah lacagta ay qaadanayaan iyo tii hore aanay waxba isdhaamin marka laga soo tago tira badnanshaha meelaha lagu qaadanayo.

Arrintan ayaa dhibaato iyo culays ku ah shacabka somaliyeed, waxana laga yaabaa inay kiciso dhib hor leh iyo cabasho ka Badan middii hore ee ay dadku sheeganayeen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com