Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Talaabada ay Xukuumadu ku Xayirtay Telefishanka Universal ay tahay Maamul Xumida dalka Haysata waxaa kale oo Gudoomiyuhu ku baaqay in Mudaharaad ka dhan ah talaabadan la sameeyo si looga gilgisho dheg xumida ay Xukuumadu ku duudsiyayso Xoriyada Saxaafada.
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaa kale oo uu sheegay inuu Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga oo bariinsaday Caydiisa uu Xafiiskiisa ugu Tagi doono halka uu sheegay inay Haboon tahay in la iska qabto Telefishanka Qaranka .
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Gudoomiyaha Ucid
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xayiraadfaysal.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
