Uncategorized

Xildhibaano ka Tirsanaa Golaha Deegaanka ee Laascaanood oo u goostay dhinaca Garowe Sawiro

Garowe 03.Feb 2014 (SDN)- TuuladaTukaraq waxaa lagu soo dhaweeyey maanta 3.Feb.2014.laba xubnood ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood oo ka soo goostaya maamulka Somaliland.

Xubnahaan oo magacyadooda la kala yiraahdo Muqtaar Mahad,Cabdilaahi Dhigaale waxaa tuulada Tukaraq kusoo dhaweeyay wasiiradda Ganacsiga,Kaluumaysiga ,xildhibaano iyo Odayaal dhaqan.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay labada xubnood inay ka mid yihiin gollaha deegaanka Laascaanood ayna isku soo dhiibaan dowladda Puntland.

”Waxan kusoo dhawaynay labo xubnood oo kasoo gooystay mamulka Somaliland tuulada Tukaraq,kuwaasoo gartay danta umadooda iyo dhibaatada umadooda haysata,waxayna go’aan sadeen inay la jaanqaadaan isbadalka ka dhacay Puntland”.

Labadaan xubnood ee isaga soo baxay mamulka Somaliland ayaa waxay kusoo aadaysaa xili saddex xubnood oo ka tirsan DFS ay wali ku xiran yihiin garoonka diyaaradaha magalada Hargaysa.

1- 2- 3- 4-

Garowe SDN.

Qurbejoog.com