Uncategorized

Xildhibaanadii u badnaa Gollaha Wakiilada oo soo guddbiyay soo jeedino lidi ku ah Guddoomiye Ciro iyo ismari waa taagan

Hargeysa Feb 09,2014(SDN)-Waxa maanta soo boox dhaafiyay gollaha xarunta Wakiilada ee Somaliland mudaneyaasha gollahaas oo soo bandhigay mooshino lidi isku ah.

Xildhibaanada taageersan labadii Guddoomiye ku-xigeen ee dhawaanta awoodahooda la wiiqay ayaa soo bandhigay sadex mooshin.

Xildhibaanada lidiga ku ah Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo tiradoodu aheyd 53 mudane ayaa soo gudbiyay mooshino kala ahaa in kalfadhiga mudadiisa la kordhiyo iyo laba kale oo xadidaya awoodaha Guddoomiyaha.

Guddoomiye Ciro ayaa haatan soo xidhay fadhigii maanta iyada oo mudeneyaasha iska soo horjeedaa ay diideen in ay ka baxaan qolka shirku ka socday.

Guddoomiye Ciro ayaa haatan ku sugan xafiiskiisa iyada oo dood kululi u dhexeyso mudeneyaasha labada dhan.

Xaalka ayaa cakiran ciidamo io shicib faro badanina waxa ay buux dhaafiyeen madasha.

Ma cada halka xaal sal dhigan doono hadii aan xal deg dega laga gaarin khalalaasaha ka aloosan gollaha sharci dejinta Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com