Jabuuti Feb 13,2014(SDN)-Dalada Mucaaridka Jabuuti ku bahoobeen ee USN ayaa u guddbisay qodobada ay doonayaan in xal looga gaaro Wadahadalka ay Madaxtooyada Jabuuti u balansan Yihiin.
Waxaan weli qodobo iyo xiliga furitaanka wadahadalada Mucaaridka iyo Madaxtooyada Jabuuti laga heyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle.
Mucaaridka ayaa doonaya in wadahadalada xal looga qodobo ay ka mid yihiin in la sii daayo waxgaradka Culumadu ku jirto ee xukuumadu la xiriirineyso mucaaridka dalka Jabuuti iyo in xilalkoodii dib xilalkoodii loogu celiyo siyaasiyiinta ka midka ah Mucaaridka ee xilalkoodii ku waayay taageerada USN.
filashaduna waxa ay tahay in Xukuumada Jabuuti dalbato in mucaaridku ku qancaan natiijooyinkii baarlamaanka dalka.
Xukuumada Jabuuti ayaase u muuqata mid ka caga jiideysay in muda ahba in mucaaridka ay la gasho wadahadalo dhab ah oo xal looga gaaro xaalada siyaasadeed ee dalka.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com
