London Feb 13,2014(SDN)-Raiisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa maalmihii u danbeeyay aad uga soo muuqday saxaafada Soomaalida kiyoo ka hadlayay laba qodob oo mid ahaa dhaliilaha madaxweynaha Soomaaliya halka ka kalena ahaa sharaaxaad uu ka bixinayay Khaatumo.
Cali Khaliif oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaaka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay dhawr qodob oo ay ka mid ahaayeen in madaxweynuhu xiriir la leeyahay Shabaabka.
Cali Khaliif ayaa sidoo kale weeraray laba ka mida sadexdii madaxweyne ee Khaatumo oo haatan ka mid noqday wasiirada maamulka Puntland.
Cali waxa uu sheegay in labada madaxweyne hore xilalkii looga qaaday ka dibna ay Puntland u galeen.
Balse Wareysiyada Cali Khaliif bixiyay maalmihii ina dhaafay waxa ka mid ahaa in uu sheegay in ay jirto in uu safaarada Mareykanka la socodsiiyay cida loo qabansan karo dilkiisa.
Intaas oo idil waxa ka xiiso badnaa sharaxaada uu ka bixiyay siyaasada dhabta ah ee Khaatumo loo aasaasay.
Cali waxa uu sheegay in Khaatumo ay gooni isu taagi doonto isla markaana ay Itoobiya ku darsan doonaan.
Hadalkan oo aaney ilaa iyo haatan ka hadal maamulka Khaatumo ayaa waxa uu la yaab ku noqday Soomaalidii dhageysatay dunida meesheey doonaan ha joogeene.
Khatumo ayaa kolkii lagu dhawaaqay ilaa iyo iminka sheegi jirtay in ay u taagan yihiin midnimo Soomaaliyeed.
Waxase haatan u muuqday cid walba in xaalku aanu sidaa aheyne ay aheyd uun hal diidani geed ay ku xoqato ma weydo.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
