Washington Mar 04,2014(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa saxaafada u mariyay dhaleeceyn uu u jeediyay dalka Ruushka ka dib kolkii ciidamo Ruush ahi ay qabsadeen qeybo ka mida dalka Ukraine.
Obama ayaa dhaleeceyntan jeediyay kiyoo uu garab fadhiyo madaxweynaha dalka Isreal Benjamin Natanyahu oo Washington booqasho ku jooga.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay caalamka u leedahay madaxbanaanida dalalka caalamka.
Waxaanu ugu goodiyay Ruushka in ay xulafadiisu tilaabooyin lagu curyaaminayo dhaqaalaha Ruushka hadaanu dalkaasi ciidamadiisa kala bixin Ukraine.
Saxaafada caalamka ayaa ka toocsaneysay sida uu Madaxweynuhu indhaha uga qarsaday hogaamiyaha dalka Israel Netunhyahu oo garab fadhiyay isla markaana uu dalkiisu kiyoo heysta taageerada Mareykanka uu u heysto wadan kale.
Taa waxa ka sii daran in Mareykanka oo taageerada ugu balaaran ee caalamka uu siiyo ay gacanta u gasho dalka Israel uu hadana ka codsanayay Netunyahu in uu nabad qaato oo uu ogolaado in Falastiiniyiinta dal ay yeeshaan.
Waana mid ka mida sababaha Ruushka ku dhiirigelisay in ay ku duulaan dal ay jaar yihiin oo ka hor yimi danahooda.
Mareykanka ayaa kelidii waxa uu weeraray dalal badan oo ay QM uga digtay in ay weeraraan tiraba dhawr jeer,mana aha dal ku haboon ka hadalka u hogaansanaanta shuruucda caalamka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
