Uncategorized

Sucuudiga oo Soomaalidii ugu bedneyd ebid ka mustaafurinaya dalkooda iyo HRW oo dhaleeceysay falkaas

Riyadh Mar 04,2014(SDN)-Dawlada Boqortooyada Sucuudiga ayaa qorsheynaya in ay dalkooda mar kale ka mustaafuriyaan Soomaalidii ugu badneyd ebid ee dalkaa laga saaro.

Sucuudiga ayaa Muqdisho bil ka hor ka dejisay Soomaali tiradoodu ay ka badaneyn 12,000 oo ruux oo isugu jiray dhaliyaro,dumar,caruur iyo cirooleba.

Hayada QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa digniino dhawr ah ka soo saaraty in sucuudigu uu Soomaalida dalkoodii hooyo ku celiyo amaan darada halkaa jirta awgeed.

Haseyeeshee Boqortooyada Sucuudiga ayaa haatan qorsheyneysa in ay Soomaaliya ku celiso in ka badan 30,000 oo ruux todobaadyada Soosocda.

Sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay saraakiil dhanka socdaalka u qaabilsan Soomaaliya oo aan dooneyn in aan magaciisa la shaaciyo.

Hadii Sucuudigu tilaabadan ka dhabeeyo ayaa waxa xaqiiqo ah in ay uga sii dareyso xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee haatan ku jira xabsiyada Sucuudiga.

SDN-Riyadh
contact@somalidiasporanews.com