Hargeysa 08.March 2014 (SDN)- Wakaaladda wararka ‘Associated press’ ayaa warbixin ka qortay xabaal wadareed laga qoday Somaliland oo laga helay qalfoofka dad uu laayay taliskii milateriga ahaa muddo ku siman soddon sano ka hor.
Associated press waxa ay sheegtay in ay tobanaan kun oo qalfoof ay ku duugan yihiin dhulka Somaliland, halkaasi oo ay dad badani doonayaan inay arkaan in la gaadho caddaalad, xataa haddiiba ay dib u soo dhacday.
Sannadkii tegay 38 qalfoof ah ayaa ciida laga soo faqay laba xabaalood, sidaasna waxa sheegtay Komishanka baadhista xasuuqa Somaliland oo iyagu dusha ka eegaya hawl-galka goob saddexaad oo ay ku aasan yihiin daraasiin lafihii ka hadhay dadkii la xasuuqay.
In ka badan 200 oo xabaal wadareed ayaa jira oo ay ku jiraan maydad gaadhaya 50,000 illaa 60,000 oo qof sida ay sheegeen Komishanku.
Warbixinta AP ayaa sheegtay in Komishanka loo sameeyay laba ujeeddo oo is barkan 1997-kii oo ahaa in si sharaf leh loo aaso dadka la xasuuqay iyo in sharciga la horgeeyo kuwii ka masuulka ahaa xasuuqa.
Khadar Axmed ayaa Guddoomiye ka ahaa Komishanka afartii sanno ee u dambaysay. Warbixintan ay faafisay Associated Press oo uu qoray Jason Strazinso, waxa ay sheegtay in howshani lagu soo qodayo qalfoofka dadkii la xasuuqay ee ku jira xabaalo wadareedyada Hargeysa, Somaliland ay ka qayb qaadanayaan khubarro ku xeel dheer baadhista xasuuqyada.
Khadar Axmed ayaa sheegay in ay ujeeddo kale tahay in la helo shakhsiyaadkii ka dambeeyay, ka dibna la horgeeyo Maxkamad. Waxa uu xusay inuu rumaysan yahay in Janan ka mid ahaa dhintay, mid kalena jiro dibadaha.
“Qoysaska dadkaasi la xasuuqay dhammaan waa ay murugaysan yihiin, waanay ka xun yihiin, sababtuna waa aqoonsi la’aanta dawladda, ma gaadhi karno aqoonsiga maxkamada”, ayuu Khadar ka yidhi arrimaha gumaadkaasi.
Warbixinta Associated Press, waxa ay sheegtay inay kooxda xeel dheerayaasha baadhista xasuuqyada caalamiga ah ee ‘Peruvian Forensic Anthropology’ ay ka caawinayaan Somaliland wixii dhacay waqtiyadii tegay, isla markaana ay gacan ka geysanayaan tababarrada shaqaalaha Komishanka si ay iyaguna ay maalin aan fogayn howshaasi u qaban karaan.
Madaxa kooxda baadhista Franco Mora ayaa sheegay in ay howshani tahay in laga caawiyo qoysaska iyo saaxiibada murugada ka hayso xasuuqaasi ku dhacay eheladoodii, isla markaana ay sugayaan jawaabo.
Franco Mora, waxa uu ka soo shaqeeyay mashaariic kuwan la mid ah oo laga sameeyay Koongo, Guatemala iyo Megsiko.
Waxa uu sheegay inay kooxda Somaliland u baahan yihiin tababar badan, “Waxa aanu u sharraxaynaa iyaga in aanay tegi karin goobta oo aanay isticmaalayn mishiino culus.
Waxa aanu bareynaa inay u daryeelaan lafaha hadhaaga ah hab aad ugu isticmaali karto dacwad oogid Warbixinta ayaa lagu Soo Gabo Gabeeyay Somaliland Meel kastaaba Waa Xabaalo,Dadkuna Waxay ku nool yihiin Xabaalaha oo Meel kastaba ah”.
Hargeysa, SDN.
Qurbejoog.com
