Uncategorized

“Waa In Bulshadu ka Qayb qaadataa Sugida iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka” Raysul wasaaraha Somalia

Muqdisho 08.March 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta caalmiga ah ee haweenka oo ku beegan maanta.

Cabdiweli-Sheekh-III-300x237Raysul wasaaraha ayaa sheegay in maalinta haweenka ay tahay maalin qaddarin mudan, maadaama ay haweenku yihiin laf-dhabarta iyo horseedka bulsho kasta.

Haweenka Soomaaliyeed ayuu ku ammaanay kaalinta ay had iyo goor ka qaataan dedaallada nabadda iyo horumarka dalka, wuxuuna ka codsaday inay sii dar-dar galiyaan waxqabadkooda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa haweenka Soomaaliyeed u rajeeyay inay maanta maalinteeda ku gaaraan nabadgelyo, horumar iyo baraare.

Sanad kasta marka la gaaro 8-da March waxaa caalamka laga xusaa maalinta haweenka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com