Hargaysa (Ictiraafnews.com)- War saxaafadeed uu maanta magaalada Hargeysa ka soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa lagu sheegay in lacagtaasi uu wargeysku sheegay in la lnsday ay qaaday Wasaaradda maaliyadu, kuna dhacday qasnada qaranka, war murtiyeedkaasi ayaa isagoo dhamays tiran u dhignaa sidan:-
War Saxaafadeed.
“ Wasaaradda Maaaliyadda Somaliland iyadoo tix raacaysa war ku soo baxay wargeyska Haatuf Cadadkii 3543 ee soo baxay 6/ March/2014, oo ciwaan looga dhigay “ Wasiirka Duulista Hawada Oo Sifo Sharci Daro Ah Kula Wareegay Dakhli Ay Wasaarada Maaliyaddu Lahayd Oo Lagu Qiyaaso Kumanaan Dollar.”
Waxa ay Wasaaradda Maaliyaddu halkan ku cadaynaysaa in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaasina aanay jirin wax dhakhli ay wasaaradda maaliyadu leedahay oo ay qaaday wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland.
Wargeyska Haatuf waxa uu qoraalkiisaas ku sheegay in Wasaaraddu duulistu ay lunsatay lacag dhan $60,000 (lixdan kun oo dollar) oo ahayd dakhli ay leedahay wasaarada maaliyadu sanadkan 2014-kii, oo ah Fee sanadeedka cusboonaysiinta ruqsada (license) shirkadaha Diyaaraddaha.
Hadaba Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay shacabka Somaliland iyo Saxaafadda-ba u xaqiijinaysaa in warkaasi uu ahaa mid aanay waxba ka jirin, lacagtaasi cusboonaysiinta ruqsada (license) ee laga qaado shirkadaha Diyaaraddaha ay tahay lacag ay qaaday Wasaaradda Maaliyada Somaliland kuna dhacday qasnada Qaranka.”.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
