Hargeysa:10-March-2014(SDN)-Waxa mar kale cirka isku shareeray Cabshada iyo tawaawaca shaqaale weynaha wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wagyigelinta Somaliland kadib markii uu mushaharkii ka raagay.
Xilligan oo ay bishu gaadhay Toban ayaanay wali shaqaalah wasaaradda Warfaafintu qaadanin wax mushahar ah, iyadoo ay sababtu tahay Murankii dhexyaallay wasiirka iyo Agaasimaha Tv-ga Qaranka oo wali halkiisii taagan.
Furdaamin la’aanta muranka masuuliyiintan ayaa ku keenay shaqaalaha in musharaharkoodii ay isku ximiyaan oo isku haysashadiisa ay isku tuurtuuraan, waxana haatan la gaadhay muddo aanay shaqaalah intooda badani u adkaysan Karin dhibka ay masuuliyiintoodu ku hayaan.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya xarunta wasaaradda warfaafintu, mushaharka shaqaalaha ayaa bishii labaad oo isku xiga muddo dhaaf ku jira, waxana masuuliyiinta wasaaradda u qaabilsan mushahar bixintu ay shaqaalah u sheegeen in aanu soo gaadhin amar ay mushahar ku bixiyaan oo aan waxba la saxeexin.
Shaqaalaha ayaa cabasho weyn ka muujiyey dulmigan lagu hayo, waxase aan la haynin cid haatan diyaar u ah inay wax ka qabato mushkilladdan taagan.
Lama garan karo murankan masuuliyiinta wasaaradda u dhexeeya ee ay Madaxtooyadu kawga ka tahay meesha uu ku dhammaan doono, waxase ifafaalaheedii muuqdaa inaanay jirin cid isu xilqaantay inay wax ka qabato amaba meesha ay ka saarto.
Sidoo kale lama garan karo xilliga ay shaqaalaha wasaaradda warfaafintu xaqooda iyo mushaharaadkooda sida rasmiga ah u heli doonaan, waxana Haatan jira shaqaale badan oo niyad jab ka qaaday Dhaqanka Masuuliyiinta warfaafinta, kuwaas ka fikiraya sidii ay shaqo kale u heli lahaayeen.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
