Uncategorized

Kismayo Oo Xalay Lagu Dilay Ganacsade Caan ka ahaa

Kismaayo:10-March-2014(SDN)-Ganacsade caanka  ahaa Magaalada Kismayo ayaa Habeenkii xalay lagu Isla-magaaladaas.

 

 

BASTOLADGanacsadaha  ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xasan Diiriye Quuq,waxaana la dilay Salaadii Maqrib ka dib, xilli uu marayey meel  aqalkiisa agagaarkiisa ah, kaas oo ka Ag dhawaa Xaruntii hore ee Shirkadda Nation.

Dad gooj joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay inay dilka fuliyeen Koox ku Hubaysan Dirayska Maleeshiyadda Raaskaambooni ee Haatan magaalada Gacanta ku Haysa.

Ilaa iyo hada lama sheegin Sababta Dilka Ganacsadaha,laakiin waxaa uu qeyb ka yahay Dilalka  sida joogtada uga Dhacaya Magaalada Kismayo Muddooyinkii ugu dambeeeyey.

Magaalada Kismayo ayaa u muuqata mid xaalkeedu sii murgayo, waxana sii badanaya Dilalka qorshaysan ee sida joogtada ah uga dhacaya iyadoo inta  badan lagu laayo dadka magaca leh.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com