Jeddah Mar 17,2014(SDN)-Haweeney Boqor jir aheyd oo nolosheeda intii ugu badneyd ku qaadatay ka dawersiga wadooyinka magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga ayaa ka geeriyootay hanti faro badan oo muran dhalisay
Haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay Casha Ayaan dunida ku leheyn ehel iyo qaaraabo nool.
Waxa hore ay ula nooleeed hooyadeed iyo haweeney kale oo ay walaalo ahaayeen,labaduba waxa ay geeriyoodeen sanado hore.
Booliisa dalkaasi ayaa haatan ku dawakhsan waxa laga yeelo hanti faro badan oo isugu jirta aqalo,dahab iyo lacag ay Cash aka baxday.
Saciidi oo ay mudo dheer deris ahaayeen ayaa saxaafada u sheegay in uu hayo hanti lacaga oo ay Caasha ku aamintay isla markaana uu booliska ku wereejiyay.
Afar aqal oo Haweeneydan dawarsan jirtay ay ka geeriyootay ayaa waxa bilaa kiro ugu jiray dhawr qoys oo iminka la faray in ay ka baxaan.
Qoyasaska degenaa aqalada oo dan yar ahaa ayaa ku andacoonaya in aaney cidi ka saari kareyn aqalada mar hadii ay ku degenaayeen halkaa bilaa kiro markii horeba.
Aduunka ay ka baxday haweeneydan ka dawarsan jirtay wadooyinka Jeddah ayaa kolkii la isu geeyay noqday in ka badan $1million dollars oo si la yeelo aan la garaneyn.
SDN-Jeddah
