Dhoobley Mar 17,2014(SDN)-Ciidamada dalka Kenya KDF ayaa tababro u bilaabay qeybo ka mida bulshada Soomaaliyeed oo aan looga baran in ay ciidamada ka mid noqdaan.
KDF ayaa tababr duledka Dhoobley uga bilowday dad aaney laxaadkoodu dhameyn,waayeel iyo Dumar.
Ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM ayaa dadka ay tababaraan waxa ay isugu jiraan haween caruur leh iyo dad ku waxyeeloobay dagaaladii hore degaanadaa uga dhacay.
Dumarka tababrka qaadanaya ayaa sheegay in ay aroorta hore ka xaadiraan xerada duhuradana ay reerahooda u hoydaan.
Taliyaha xeradan tababarka Col Heybe Cabdulaahi ayaa sheegay in dadkan tababrada qaataahi aaney wax mushahara helin.
Isla markaana ay isu xilqaameen sidii ay degaanka nabad ugu soo dabaali lahaayeen.
Dadkan haatan tababrada qaadanaya Ayaan ka qeyb qaadan kareyn hawlgalada waxaana ay qabtaan hawlo kale oo aan la shaacin waxa ay yihiin.
Dadkan ayaa u badan qaar iminka dalka dib ugu soo laabtay ooh ore ugu jiray xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
SDN-Dhoobley
