Hargasya 17.March 2014 (SDN)- Xisbiga Mcaaridka ah ee UCID,ayaa dhaliilay qaabka loo guddoomay doon yar oo sidday caawimo loogu deeqay jaamacadda culluunta badda ee berbera oo ay ka qayb galeen tiro Wasiirro ah.
Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo maanta so saaray warsaxaafadeed uu arrintaa kaga hadlayo,ayaa intaa ku daray inay lagama maarmaan tahay in deeq kasta oo dalka loogu deeq in lagu guddoomo milgaha ay leedahay waxaanay timaameen inay ahayd doontan deeqda u siday ardayda jaamacadda cullunta badda ee berbera inuu gudoomo guddoomiyaha gobolka Saaxil oo kali ahi isla markaana aanay mudnaynba in Wasiirada tiradaa lihi isku raacaan.
War-saxaafadeedka uu soo saaray Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo dhamaystiran,ayaa u dhignaa sidan.
Sida lagu baahiyey warbaahinta, Waxa raxan dhan oo golaha Wasiirada, Wasiirku-xigeenno, xubno baarlamaanka ka tirsan iyo Hawl wadeenno sar sare oo ka tirsan Xukuummadda talada haysaa isugu tageen Berbera, si ay u guddoomaan waxay ugu yeedheen Deeq oo ahayd Doon yar oo cabbirkeedu ka yar yahay 3 mitir oo ay bixisay Dowladda Denmark oo loogu deeqay ardayda wax ka barata Akadamiga Badda ee Berbera. Wafdiga Deeqdan Guddoomay waxa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Dibudejinta, Kaluumaysiga iyo Kheyraada Badda iyo Raxan ka tirsan Madaxda sare ee Qaranka,
Golaha Wasiirada ee xafladda intaa le;eg ka qayb galay dhammaantood may ahayn kuwii loo igmaday hawl noocan oo kale ah, marka loo eego Mandhaydka ay haystaan, Qarada xajmiga kaalmada ay ku mashquuleen iyo waqtiga ay ku lumiyeen , iyagoo soo dayacay hawlihii Wasaaradihii ay ku suntanaayeen.
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID, wuxuu qabaa in ay dowladdu dib uga fiirsadaan siyaasadda Qaranka ee ku Aaddan Guddoomista nooca deeqaha, milgaha dowladnimo ee nooca kaalmada, habka bixinta deeqaha samofalka ee sooGaadhaya Somaliland.
Xisbiga UCID wuu soo dhoweynayaa cid kasta oo ka qayb qaadanaysa dibu-dhiska iyo horumarinta Somaliland oo aan weli ka helin Ictiraaf buuxa beesha caalamka. Xisbigu waxa uu qabaa, in kaalmooyinka deeq bixiyeyaashu ay ku salaysnaadaan baahiyo dhab ah oo ka baxsan awoodda dadka iyo xukuumaddeena oo innaga timaadda.
Xisbiga CID ,wuxuu ka soo horjeeda in Madaxda Dalka ugu sarreysaa ay ku lumiyaan Mas’uuliyaddoda wax kabaxsan wixii qarankani uga fadhiyey, iyo inay waqtigooda iyo hantida ummadda ku lumiyaan socdaallo, xaflado, shirar iwm ee aan macno wax ku ool ah samaynayn. Waxaana tusaale cad u ah xafladda Doonta yar ee ay ku dul habsaammeen tiro intaa le’eg oo Wasiirro iyo Madax muhiih ahba leh,
kharashka deeqdaasna ay ka badan tahayba Pity cash-ka Wasiirada,Arimaha Gudaha, Madaxtooyada, Warfaafinta, Gaashaandhigga,Caafimaadka Iyo Kuwa Kaleba,Hawshaasna Waxaa Ku Filnaa Oo Kaliya Gudoomiyaha Gobolka Saaxil
Sidaa awgeed Xisbiga UCID, wuxuu hoga – tusaalaynayaa Shacbiga Somaliland inay la xisaabtamaan Madaxda Xisbiga Kulmiye , ee sida meeqaanka liita u isticmaalaya Milgihii qarankani ku muujin lahaa inay jirto Dowlad leh qaab dhismeed waafaqsan habka Maamulka Suuban (Governance and structure)
Xisbiga UCID, Wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JSL inuu kala hago lana xisaabtamo Golihiisa Xukuumadda,isla markaana ka war qabo waxa ay ku mashquulsan yihiin inuu micno u samaynaayo Ummaddii Isaga iyo Ku xigeenkiisa Doortayba, xilkana ka qaado kuwa aan u qalmin ee luminaaya adeeggii ummadda.
Allaa mahad leh
XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID
YUUSUF KAYSE ALL/AH
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
