Uncategorized

Sideed Nin oo ka Tirsan Alshabaab oo Xukun Midkiiba labaatan sanno ah lagu Riday

Boosaaso 17.March 2014 (SDN)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku ridday 8 nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

XukunXeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidanka ee gobolka Nugaal Cabdikariin Firdhiye  ayaa sheegay in maxkamadda maanta oo Isniin ah ay xukun min 20 sano oo xarig ah ku ridday raggaasi.

Ragga xukunka lagu riday ayaa kala ahaa Cabdulfataax Dhuux Cali, Aadan Xuseen Axmed, Maxamed Cali Cabdi, Shire Sheekh Muuse, Nuur Xasan Mursal, Xuseen Cabdullaahi Maxamuud, Axmed Maxamuud Muuse iyo Mukhtaar Xuseen Muumin.

Waxaa la rumeysan yahay in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Galgala.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhowaan sheegay inuu maamulkiisu ku filan yahay inuu la dagaallamo Al-Shabaab, balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin taageero caalami ah.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com