Uncategorized

Booliska Mombasa Oo Sheegay inay Fashiliyeen Laba Qarax Oo Gawaadhi Loo Adeegsanayey

Mombasa:18-March-2014(SDN)-Wararka Naga Soo Gaadhay Magaalo-xeebeedda Mombasa ee Dalka Kenya, ayaa Sheegaya in Halkaasi Lagu Qabtay Laba  Nin oo ay ku sheegeen inay Maleegayeen Qaraxyo  gaadiid loo adeegsanayey.

laaliCiidamada booliska ayaa sheegay in labada ruux oo mid u dhashay dalka Kenya kan kalana uu kasoo jeedo asal ahaan Soomaaliya ay qorsheynayeen inay weerar ka geystaan goob aan la cayimin, sida ay shaaciyeen.

 

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay adkeysay amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi waxii ka dambeeyay markii Alshabaab ay weerar ka geysteen dhismaha Westgate ee dalka Kenya.

 

“Ma sheegi karno halka bartilmaameydkoodu ahaa, laakiin waxaan xidhnay ladh Henry Ondiekh oo ah taliyaha dambi baadhista magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

 

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in gaadiidka ay saarnaayeen labo qarax oo kuwa gacanta lagu sameeyo oo Mobeylo ay ku xernaayeen, kuwaasi oo la damacsanaa in qaraxyo lagu sameeyo, sida ay booliska sheegeen.

 

Bishii September sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaad 67 ruux ayaa ku geeriyootay weerar Alshabaab ay ku qaadeen dhismaha ganacsiga dalka Kenya, waxaana ay Alshabaab sheegeen inay aheyd aargudis.

 

Bishii February ee sanadkan dad badan ayaa kasoo muuqday maxkamada magaalada Mombasa, kuwaasi oo badankood lagu eedeynayay inay xidhiidh la leeyihiin Alshabaab, kadib markii masaajid ay weerareen ciidamada Kenya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com