Uncategorized

Wax Ka Ogow Qoddobada Sababay In Alshabaab Awood Buuxda Ku Yeeshaan Gudaha Muqdisho

Muqdisho:18-March-2014(SDN)-Dhegaha iyo Indhaha dadka Reer Muqdisho ayaa Bilihii ugu dambeeyey ay ka Badatay Dhibka dhimashada iyo dhaawaca leh ee ay Kooxaha Alshabaabku ka Fuliyaan Magaalada Muqdisho oo muddo hore laga Saaray.

shabshabaaaHaddaba Dadka ammaanka Lafagura ayaa Arrimo badan ku macneeyey Xooggan cusub iyo awooddan ay kooxda Alshabaab ku yeelatay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Gaadhay Heer ay ilaa iyo Madaxtooyada dhexdeeda Galaan oo ay waliba saraakiil sare ku laayaan.

Qoddobadan Soo Socda ayaa lagu Soo Koobay kuwa saamaxay inay Alshabaab si weyn ugu xoogaystaan Caasimadda Dhexdeeda.

1-Kontorool la’aanta xuduudaha, gaadiidka kasoo gudbo gobolada ay maamulaan Shabaab: tusaale baabuurkii Baraawe ka yimaada si toos ah ayuu u soo galaa magaalada Muqdisho iyadoon la baadhin!, waana tan keentay in si fudud loo qarxiyo xarumaha muhiimka ah.

2-Taas waxaa kaaga sii daran waddada waxaa taagan ciidanka Dowladda Federaalka oo dadka rayidka dhibaateeya, halka magaalada Baraawe ay adag tahay in wax lala galo.

3-Arintan ugu daran waxay tahay 40% ciidamada Dowladda Federaalka oo si toos ah ama si dadban ula shaqeeya kooxaha mayalka adag ee xasiloonida u diidan magaalada Muqdisho. Waxaana ku badatay askar lagu sheegay inay kasoo goosteen Al-Shabaab oo aan la hubin dacaadnimadooda.

4-Ciidamada kasoo goosta Al-Shabaab oo aan la hubin waxay sahashay in si toos ah isaga war hayaan labada dhinac, Al-Shabaab-na ay howlaheeda qalqal gelin si nabad ah ugu fuliso meelihii ay u aragto iney guulo siyaasadeed.

5-Halganka Beelaha iyana saameyn ayey ku leedahay xaalada cakiran ee Muqdisho ka taagan, waxaana muuqda oo shaki ku jirin in beelaha qaarkood ay saameyn ku leeyihiin dhibaatada Muqdisho.

6-Ciidamada oo saluugsan hoggaanka talisyada kala duwan ee taliyaha Xoogga dalka Indho Qarshe, Booliska Gen. Saacid iyo Nabadsugida Bashiir Goobe oo loo arko iney yihiin laan gaabyo aan saameyn ku lahayn ciidanka oo u badan Hawiye!

7-Ciidamada lagu sheegay Qaranka waxaa maamula oo amarka ka qaata shaqsiyaad ka tirsanaa Hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray.

Tusaale ciidamada jooga Muqdisho ilaa Mahadaay waxay hoos yimaadaan Salaad Cali Jeelle, kuwa Muqdisho ilaa Markana Indhacade, kuwa ka howlgala Dayniilena waxay amarka ka qaataan Ina Qanyare iyo kuwo kale oo aan Dowladda ku jirin.

Dhamaan intaas oo arrimood ayay Xamar halis u noqotay in Al-Shabaab ay ku soo xoogeysato, wixii ay doontana si fudud ugu fushato.

Waxaase isweydiin mudan, Dowladda Federaalka sidee ayey ugu kabsan kartaa 7 caqabadood ee amaanka Muqdisho cuuryaamiyay!

Al-Shabaab oo in badan ka faa’iidaystay dhibaatooyin siyaasadeed iyo 7 qodob ayaa hadda dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo awoodeeda gaadhsiisay iney  Habeen walba Muqdisho ku Dilaan Dad Shacab ah iyo kuwo kale oo Dawladda ka Tirsan, islamarkaana ay qaraxyo ka Geystaan Goobo Muhiim ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com