Hargeysa:18-March-2014(SDN)-Inta Baddan Shaqooyinkii ay Caasimadda Ka Hayeen Xarumaha Dawladda ayaa iska Xannibnaa tan iyo intii uu madaxweyne Siilaanyo u baxay Safarka Gaaban ee uu ku Marayo Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka.
Shaqooyinka istaagay waxa ka mid ah oo si weyn loo Dareemaya kuwa dhinaca Ammaanka la Xidhiidha, kuwii ka socon jirey Xarumaha Wasaaradaha Dalka iyo waliba kuwo ka ka Aloosnaan jirey Xarumaha Garsoorka Somaliland.
Midda ammaanka waxa jira Dabac ku yimi, waxana la yareeyey Guud ahaanba ciidankii tirada badnaa ee Gaafwareegi jirey Waddooyinka iyo Goobaha Dadku ku kulmaan ee Isgoysyada ah, iyadoo aan in muddo ah la Arkin ciidam xilliyada Habeenkii baadhitaano ku sameeya Baabuurta Waddooyinka Badhtamaha iyo kuwa Xaafadahaba maraysa.
Sidoo kale waxa iyana u ekaaday Goobo laga Guuray Xarumaha Wasaaradaha Qaar ka mid ah, iyadoo intooda Badan masuuliyiintoodii ay kuba maqan yihiin Safarka Madaxweyaha oo aanay Meeliba uga Bannaanayn balse Bilic xumo iyo Cidhiidhi kaliya la diaba socda.
Goobaha Garsoorka oo ahaa meelihii ugu Camirnaan jirey Dalka ayaa Qudhoodu noqday Fadhiid aanay Cid badani joogin, waxana Warar Hoose oo aanu Haynaa sheegayaan inay Madaxda Garsoorku shaqadii ay Haysay Yaraysay xilli uu jiro Khilaaf u dhexeeya iyaga iyo Waaxda Fulinta, kaas oo Gaadhay Heer uu madaxweyne Siilaanyo Jawaabo ka Bixiyo.
Sidoo kale Xarumaha Golaha Guurtida oo Markii HOreba aan Firfircooni badan lahayn ayaa Dabkii u sii Bakhtiyey, waxana jira in xataa Guddiyada Joogtada ahi aanay wax kulamo ah yeelan oo ay Guryahooda iska joogaan qaarkoodna ay shaqooyin gaar u ah wataan.
Inta badan dhibka haysta Xarumaha Dawladda ee aanay shaqooyinku ka soconin, ayaa lagu Macneeyey inay u kala Qaybsamaan kuwo Masuuliyiintoodii Madaxweynaha Macno darro u raaceen iyo kuwa marka HOreba kaliya ku shaqeeya Madaxtooyada Hala idinka arko oo Shaqadiina hala Dareemo balse aanay Maskaxdooda Ku JIrin inay Qaranka iyo umadda u shaqaynayaan, waxana Kuwaas Tusaale Fiican u ah Ciidanka Ammaanka oo Hoggaankooda la Arko kaliya Xilliyada Madaxweynuhu Dhaqdhaqaaq caasimadda ku dhex samaynayo iyo Xilliyada Xaaladdu is beddesho.
Guntii waxa Muuqda Inaanay Inta badan Xarumaha Xukuumadu ahayn kuwo ay ka Go’an tahay inay Umadda u shaqeeyaan, iyadoo shacab badanina middaas Haatan Yaqiinsaday.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
