Uncategorized

“Markaa dhamaato Muddo xileedka Siilaanyo hadday dorashadu qabsoomi waydo waxaanu dhisaynaa dawlad ku-meel gaadh ah oo aanu ku jirin Kulmiye” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

Hargaysa 18.March 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Ing Faysal Cali Waraabe oo socdaal uu dalka dibadiisa ugu maqnaa maanka ka soo laabtay,ayaa sheegay hadday doorashada Somaliland xilligeeda ku qabsoomi waydo inay tallaabo kale qaadayaan ,waxaa kaloo uu sheegay inuu hambalyaynayo Safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku tegay degmada Laasqoray.

faysal caliWaxaanu intaa raaciyay farriin uu u diray Madaxweynha Maamul goboleedka Puntland,Guddoomiyha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.

“Horta waxaan hambalyaynayaa socdaalka uu Madaxweynuhu uu ku tegay bariga Somaliland oo ah mid guul ah inkasta oo ay ahayd intaanu tegin in horta dhulka bariga Somaliland in laga sameeyo maamul shaqeeya oo adag oo xuduudaha dalka la sugo,haddana waa tallaabo wanaagsan in Madaxwenuhu uu soo arko dhibaatada ka taagan deegaannada bariga Somaliland,waanan ku hambalyaynayaa.”

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ka hadlaya marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo hadday ku qabsoomi weydo doorashada Somaliland,waxaa uu yidhi.

“Maanta baarlamaanka,ayaa sharci darro ku fadhiya oo Guurtida,ayaa sharci darro ku fadhida markaa kolkay dhamaato muddo xileedka Siilaanyo hadday dorashadu qabsoomi waydo waxaanu dhisaynaa dawlad ku-meel gaadh ah oo aanu ku jirin KULMIYE,dhicina mayso inuu Siilaanyo sii fadhiyo maalin ka baxsan muddo xileedkiisa,waanu soo dhaafayaa.”

Ugu dambayn waxaa uu  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu ka hadlay  Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inuu wado colaad uu ka huriyo xuduudda ay wadaagaand  Somaliland iyo Puntland.

“Waxaa maalmahanba hadlayay oo colaado hurinayay Cabdiwali Gaas oo doonaya inuu yidhaahdo anigaa samaynaya Xuduudo cusub, annagu Somaliland,ayaanu nahay dawlad iyo mucaaridba waanu isku raacsannay meelna waanu uga soo wada jeednaa difaaca dalka,Somaliland-na xuduudaheeda Cabdiwali iyo qayrkii toona waxba ka weydiin mayno dhulka Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com