Uncategorized

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Xukuno ku riday laba Danbiile oo loo haystay Nombarada Gaadiidka oo been abuur ah

Hargaysa 18.March 2014 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta xukun ku riday laba Eeddeysane oo loo haysto inay Bileedh lambaro Foojari ah gaadiid ku soo geliyeen Somaliland.

Maxkamada HargaysaLabadan Eeddeysan oo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku muddo ka hor ku qabtay Gaadiid ay ku iibiyeen Taariko laga furay Baabuur kale si waddanka loogu soo geliyo, isla markaana ay cashuurta uga baxsadaan,  ayaa la xukumay iyagoo maqaneyaal ah.

Faarax Axmed Yuusuf iyo Cali Maxamed Cali oo ah labada Nin ee Eeddeysaneyaasha ah, ayaa laba Gaadhi oo land-cruiser  nooca Baraadada loo yaqaano ah, waddanka ku soo geliyay Taariko aanay lahayn oo laga furtay Baabuur kale, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Baadhista iyo Hanti-dhawrka Guud.

Dhegeysiga Dacwadood oo Maanta la soo gabagabeeyay, ayaa waxa qaadayay saddex Garsoore oo Maxkamadda gobolka ka tirsan, kuwaasoo Qaraarka Maxkamadda ku dhawaaqay, ka dib markii sida ay sheegeen ay ku cadaatay labada Eeddeysane falalka loo haysto.

Maxkamadda ayaa Eeddeysaneyaasha ku xukuntay min saddex sanadood oo xadhiga ah iyo Ganaax lacageed oo culus, halka Laba nin oo kale oo Gaadiidkan ka iibsaday lagu xukumay inay Baabuurta Cashuurtaan iyo Ganaax lacageed.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com