Uncategorized

Musharixiintii UCID ee Saaxil oo eedeymo kala duwan soo jeediyay

Berbera Mar 19,2014(SDN)-Bayaan ay Soosaareen qaar kamida Musharixiibtii Doorashadii Deegaanka Uga sharaxnaaa Degmada Berbera UCID Bayaankan oo uu sbabey dhacdadii ay Labada Xubnood ee Golaha Deegaanka Berbera Naayor C/Shakuur & Xildhibaan C?rashiid kaga Baxeen Xisbaga
Ucid Kuna Biireen Xisbiga Kulmiye.

Maxaa Sabab u ah in ilaa hada sharci daro ku sii fadhiyaan, Ma UCID baa?, ma Xukuumadaa? Ma Gudida doorashooyinka qarankaa? Ma
Dhamaantoodbaa? Sharci ma tahey iney golaha ka sii mid ahaadaan? Ma Xaqbaa in sharcigu cidii uu xaq usiiyey iney buuxiyaan kuraasta
sharcigu baneeyay ine waayaan cid sharcigii fulisaa? Miyaaney noqoneyn Somaaliland ma jirto, qaran ma jiro IWM? Hadaanu sharcigu shaqyneyn halkay soomaaliland ku socotaa?

Waxaa mahadi u sugnaatey ALLAHA awooda iska leh ee noo suurt a galiyey, in aanu manta halkan kaga hadalo arrinta aanu hoos ku soo
bandhigi doono , oo ka hadleysa dhacdo hadii aan manta laga hor tagin oon sida ay tahey ee sharcigu jideynayo aan wax looga qaban sababi
karta, in qaranimada soomaaliland ay burburto oo meesha ka baxdo dibna loo soo heli waayo, sidaa darted waxaanu ku horeyn doonaa
su’aalahan soo socda.

1. Qarranimada Soomaaliland ma Sharci bey ku dhisantey, oo ay ku noqotey dal madaxbanaan, oo lehxuduudo la yaqaan, calan astaan qaran,
dastuur, madaxweyne la soo doortey, golayaal la soo doortey, garsoor madax banana iyo dhamaan astaamihii dawlad lagu yiqiin, ma sharci iyo
qaynuun ayaa intaasiba ku yimaadeen? Mise waa wax aan sharciyad ku imman ee kolba sidii larabo laga yeeli karo?
2. Madaxweynuha JSL In aanu madaxweyne u Aqoonsanoma dariiq sharci oo uu ku yimi ayaa na faraya, mise waa wax marba sidii la doono laga
dhigi oo la odhan karo marna waa Madaxweyne ,marna maaha?

3. Maxaa I man kara hadii qaynuunka JSL uu noqon waayo mid shaqeeya oo lagu dhaqmo, cidwalbana ka sareeya, muwaadiniinta dalkuna hortiisa ku sinaam waayaan?

4. Ma waxa aynu rabnaa in aynu dawlad jirta noqono, caalamkuna aqoonsado mise dawladl’aan?

5. Bulshada reer Soomaaliland maxaa isu haya (Xabagta isu haysa) oo sababey iney ku Abtirsadaan Qaran la yidhaahdo Somaaliland?
6. Hadii Sharciga La waayo ma ahaaneynaa qaran jira & dawlad dhisan?

Waxa aan dooneynaa in aan manta qormadan kaga hadalo xaqiiqda dhabta ah, oo ka fog Been, Dhalanteed. Khiyaal,& riyo, runtana ka sheegno
waayaha dhabta ah e dalka ka jira, waana mida sabatey in aan is weydiino su’aalah kor ku xusan ee jawaabtooda rasmiga ah qof kasta oo
Somalilander ah oo qaan gaadhey garanayo, Runtu cid walba waa u dawo waana u dan, beentuna qof kasta waa u wax
yeelo,,mana aha waxa nagu kalifey in aanu soo diyaarino warsaxaafadeedkan qoraalka ah eenu ugu talo galey warbaahinta, mid
aanu ka leenahey ujeedo siyaasadeed oo gaar ah, mid xisbi mid mucaaradeed ama muxaafid, intaba wey ka sareysaa, waa mid aanu kaga
hadleyno dan qaran, Lexo jeclo Wadan & guud ahaan wax inoo wada dana oo wanaageenu ju jiro, waa mid aanu kaga digeyno halista manta innagu xeeran & wax aan danteena aheyn ee waxyeelo weyn innagu keeni karta ALLEH SWT ha innaga hayeee, hadii aynu ku sii socono guud ahaan, gaar ahaana waxaanu uga hadli xuquuqdayadii assaasiga aheyd ee Dastuurka JSL na siiyey oo la hor taagan yahey, sidaa darted aan u soo gondo degno ujeedada qoraalka.

Annaga oo ah muwadiniinta magacyadoodu hoos ku xussan yihiin, kana mida xusbiga Cadaalada & Daryeelka, ahna Musharaxiintii Drgmada
Berbera uga tartamey Doorashadii Golayaasha deegaanka ee aan masiibka u yeelan, Rabina Swt qadarin in ay ka mid noqdaan xubnaha golaha
Deegaanka Berbera kuna qancey iyadoo cadaalad Darro weyni ka dhacdey oo xaaraan aheyd hadana ay sabab u aheyd in la ogolaado oo la aqbalo natiijadii xaaraanta aheyd ee koomishan ku sheegu soo saarey waxaa nagu qasbey in aanu dulmi weyn aqbalo waxey aheyd lexe jeclada QARANKA & UMMADA Maantana waa ta u sababta ah in aan degmada Berbera ka soo saaro Bayaankan Digniinta ah kuna kala jiheysan Hay’ado qaranka JSL oo kala duwan mid walbana inta gaar u khusaysa aanu ugu soo gudbin doono, ugu Horeyn aanu soo qaadano xisbiga aanu ka tirsan nahey ee UCID:

Xisbiga Cadaalada & Daryeelka(UCID):

Xisbigu Ma ka qayb qaatey dhibta soo noqnoqotey & Xaqdaradan nagu dhacdey?

Sida ku Cad magaca xisbiga wuxuu sheegayaa inuu xisbigu u taagan yahey CADAALAD & DARYEEL, waa laba erey oo xambaarsan macno culus, waa labadii ahaa labada tiir ee dhismaha qarankuba ku taagnaa hadii laga dhabeeyona,dhamaystirayey Baahideena kuna noqoneyney Qaran Taam ah oon waxba ka dhinayn. Hadaba aan isku deyno in aan ka fawaabno su’aalahan.

1. Xisbiga ma markuu talada qabto ayuu waajibku dhigayaa inuu ka dhabeeyo macnaha magaca xisbigu xambaarsan yahey?

2. Xisbiga Gudihiisa ma ka dhabeeyey Cadaaladaa & Daryeelkaa ku dhaqan sharcigana ma ku dhaqmaa?
Inta aanaan ka jawaabin su’aalaha aan cadeyno waxa nagu ka lifey in aan arrintan Mediaha ku soo bandhigno oo aan xisbi ahaan gudahayaga
kaga wada hadalo wixii dhib & qalad jira, waxaan halkan ku xaqiijineynaa inaan hore u sameyney kaga wada hadaley arrimo badan
dhaliil, qalad, toosin,& dhismaha xisbiga, hadaba wax alla wixii laga wada Hadley waxba kama fulin halkii lagaga wada hadleyna mey soo
dhaafin, taasaana u sababa in aanu afar bilood ka hor waxaanu ka wada hadaley oo aan bartii ka dhaqaaqin in aanu manta halkan ku soo
bandhigno,aaan lu soo noqono jawaabaha Su’aalaha aan kor isku soo weydiiney:

* Suaasha hore jawaabteedu waxey sax kutahey sidan: MAYA waa inuu hirgeliyaa isagoo Xisbi mucaarada oo Cadaalada & Daryeelka labaduba
noqdaaan kuwo sida Cadceeda uga dhex muuqda oo sabab u noqda inuu ku helo majoratiga taageerada ugu badan ee Bulshada Soomaaliland
* Su’aasha labaadna waa Maya.

Hadii loo baahdo in sharaxaad dheeraada aanu ka bixino jawaabahan maqaalada danbe waanu ku soo bandhigi doonaa. Jawaabahaa aan soo
dhaafney waxay ina tusayaan dhabahii guuldarada xisbiga hadeynaan deg wax uga qaban si cadna u saxin qaladaadka hada jira waana sida
badbaadada xisbigu ku jirto.

Soomaalidu waxey tidhaahdaa GUUL DARO WAA GOBLAN waxa goblin ka dhigey cidi ma sheegato mana qiirato waxaana ay sababtaa in guuldarooyin kale yimadaan oo soo noqdaan, waa in aan qiranaa inta aynu ku laheyn dhibaatoooyinkii qaran ee dhacey xiligii ay qabsoontey doorashadii deegaanka ee u dambeysey ee qabsoontey sanadkii 2012 dabayaaqadiisii tabasadayada ugu weyn oo aheyd mid kamida dhibtii foosha xumeyd ee xiligaa dhacdey, waxaan la dafiri Karin in masuuliyiinta heer qaran ee xisbiga & kuwa Gobolka Saaxil eexisbiguba ay si cad oo badheedha ugu gefeen xadgudubna ugu ogolaadeen in sifo sharciga baal marsan loo boobo codkayagii oo xisbiga gudihiisa nina la siiyo waxaanu shaqeysan nina wixiisa waayo, run ahaan waxey aheyd dhaawac weyn oo xisbigu isu geystey, annagu xiligaa kor ummaanu qaadin tabashadayadiina si asturan ayaanu u soo gudbiney xisbiga gudihiisa, tanaasul ay ku jirto lexe jeclo xisbina waanu qaadaney& mid qaran, waxaanu u arkeyney inaanu guulaysaney kol hadii xisbugu soo baxey oo liisankii uu markale heley, maantana waxaanu ka digeynaa inaan guushii xisbigu guul daro isu badalin.

Masuuliyiinta Xisbiga waxaanu u sheegaynaa kuna dhaliileynaa anagoon dooneyn xuquuq sayida ama baalmarsan sharciga xisbiga, in aanaan
qaadan Karin manta in mid labaad oo tii hore oo kale ah nalagu smeeyo, waxa la yidhi LIBAAX LABA RAQOOD LAGAMA WADA KICIYO.
Hadaan cadeeyno tan labaad waxa weeyaaan labadii kursi ee sharciyan ka banaanaadey golaha deegaanka ee Berbera kuwaas oo sida shuruucda
dalka u degsan & sharciga Xisbiguba dhigayaan ay debeda uga noqonayeen labadii xubnood ee sida badheedhka ah uga baxey xisbiga sanadkeynu ka soo gudubney, waxa manta is weydiin mudan arrimahan:

1. Ma Xisbigaa Kuraasta Lahaa oo Cod Xisbi ayey ku yimaadeen, mise cod itaga u gooniya?
2. Xisbigu iyadoo la og yahey qiimaha dhibta & hawsha loo soo marey, maxa sababey iney dhacdo in mudodaa intaa le’eg ay ku sii fadhiyaan
xubnihii gefka & dhibta intaa le’eg u geystey? jawaabahan waxa looga fadhiyaa Masuuliyiinta Xisbiga UCID iyagoo aaanu ka rabno jawaabo ku fadhiya luuqad sharci. Cida idinla Hadleysaana waa dadkii aad wax wada laheydeen oo raba xuquuqdii sharci ee xisbiga ay ku lahaayeen, run ahaana ka xun in manta MEDIAHA ay soo mariyaan Tabashada xisbiga gudihiisa ee ay qabeen, kadib markey suuroobi weydey in la saxo wixii hore looga wada Hadley, tanina waa digniintayadii u dambeysey waxaanu ka digeynaa khilaaf xisbi oo yimaada si aaney u burburin guushuu xisbigu hore u gaadhey sharciga hadeynu ku dhaqmi weyno, xisbi is bedlel wanaagsan keena oo guul qaran soo hooya oo la mahadiyo ma noqnon doono, waana sharcigii uu xisbiga ku noqdey liisankana ku heley, waxaanu leenahey aaynu saxno wixii gudaheena ka qaldan markaaseynu ta qrankana sixi karnaa, mucaarad dhaba oo qranka hiil u noqda oo xalaalana noqon karnaa.

Koomishanka Doorashooyinka Qaranka JSL:

Ma rabno inaanu halkan manta kaga hadalno dhibtii uu GDQ dalka & qaranka JSL, ay soo gadhsiiyeen doorashadi deegaanka e ugu dammbeysey, weynu ka dheregseney oo sharax ugama baahnin intey Le’egeyd Guul daradii qaran ee ay keeneen waxan odhan karnaa waxa sababey sharcigoo ay baal mareen, & waajibkoodii oo ay garan waayeen. Waxaa ceeb qaran oo ilaa hada inagu taalaa in waqti xaadirkan masuuliyiin qaran lpo sii aqoonsanadoo ay wali xilkii hayaan, macnaheeduna waxuu noqonayaa inaan qaran jirin, inaan sharci jirin, in masuulka qaran ee ummada hawl & xil u qabtaa uu siduu isagu doono yeeli karo, sharci qabanayaana aanu jirin, inaanu manta ka hadalnana waxa keeney waxey garanwaayeen hadii gefki & Foolxumadii hore ee aad qaramka & ummada u geysateen ay dhici weydey in sharciga la’idinku horgeeyo oo ciqaabta Sharci waajibinayo la idin marin waayey, bal isa saxa oo la yimaada wax gefkii hore bi’in kara oo sababa in ummadu idin saaamaxdo waanu ka xunahey in aad dadka u qaadataan doqmo, inaad marlabaad la timaadaan foolxumadii qaran ee aad hore u sameyseen oo ah dhacdadii sanadkaynu soo dhaafney dabayaaqadiisii ka dhacdey Berra ee aheyd labadii xubnood ee goalaha deegaanka Berbera Maayarka & Xildhibaan C/Rashiid ee ficilkay ku kaceen sababey iney baneeyaan xubinimaadii Golaha Deegaanka Berbera kana mari weydaan wajibaadkiina sharci, waxaanu idiin sheegaynaa dhamaan [ntiina ku shuraakowdey dulmiga in aan dadku doqmo aheyn ee aad idinku bidayaal tihiin, hadii sharci xumaanta intan le’eg wax ka qabta aanu weynana, wax aad idiinku xun ayyaa ka iman doona, shacbiga & ummada JSL waxa iman doonta iney gacmahooda kaga badbaadiyaan karaamadooda qarannimo iskana qabtaan dhamaan shuraakada dulmiga ee cadawga ku ah Qaraanimadooda & sharafkooda ee gefka & xummaanta Joogtada ah kala hadhi la. Weynu wada ogsooney manta halkey ku dambeeyeen Dawladii waaweynaa ee Carbeed & Boqoradoodii aan dhici jirin, waxana ay ka kacdey hal wiil oo cadaalad waayey dulmi xumina ku dhacey oo la yidhi xuquuq muwaadin oo aad dalkaaga ku leedahey ma jirto. Sharciguna waa annaga sidaanu doono ayaanu yeelaynaa, wixii ka dhaceymaa waxey sabatey dhibaatada aan ilaa manta istaagin isuna rogtey aafo Caalamiya oo aduunkoo dhan saameysa.

Madaxweynaha JSL:

Waxaanu isna halkan digniin qaran ugu soo jeedineynaa Madaxweynaha JSL, mudane madaxweyne waxaa nu ku xusuusineynaa in sharcigu yahey,waxa aad ku noqotey hogaanka qaranka JSL hadaanu jirina maad noqoteen Madaxweyne, annaguna kuuma aqoonsaneen madaxweynaha Soomaaliland, meel aad Madaxweyne ka noqoto, dawlladnimo, qaran, & nidaam & Kaladambayn midna maynu hayneen, waxa aanu doonaynaa inaanu ku weydiino jawaab degdegana ummada ka siiso su’aalahan.

* Maanta ma waxaad ogolaatey oo aad raali katahey in sharcigii dalku noqdo mid la iska laabo oon shaqayneyn?

* Ma waxaad u haysataa in bulshada garasho la’aani ka hayso waxan dalka ka socda ee ay sababta u tahey sharciga la laabey?
* Diyaar ma waxad u noqotey in dalku gacantaada ku burburo?
* Qaranku Ma sii Jirayaa Sharciga La’aantii?
* Ma waxaad raali ka tahey in aad sifo sharciga baal marsan ay ugu fadhiyaan kurasta gokaha deegaanka Berbera xubnaha kala ah maayerka
Berbera C/shakuur Cidin & Xildhibaan C/Rashiid Maxamed X Yuusuf ee uu qabtey xeer no 14 oo ah kii markii hore ka dhigey xubno gole deegaan maantana ah ka ka saaraya?

* Sidaa si la mida miyaad Raali ka tahey in xubnihii shaley sharciga ix tiraamey ee aqbaley wixii sida fudud loo yidhi intaasaa Soo baxdey
ee gefka ahaa qaranka aawadii & lexojeclo ummadeed Awgeed u ogalaadey, manta oo sharcigu xeer No 14 U baneeyay la yidhaahdo ma galeysaan sharci darro ah tanna ma iney sidaa ku meel marto cadaalad daradaa ayaad raali ka tahey ood ogoshahey?
Su’aalahaa iyo in kaloo aanan halkan ku soo koobi Karin waxaanu kaa sugeynaa jawaabtooda. Waxaamu aaminsanahey hadii qaymuunku shaqeyn waayo dhamaanteen ineynu noqoneyno dad Caadiya kala dambeyntuna jiri meyso, dawladnimo dambena la arki mayo waxaaneynu noqn doonaa Qaran fashilmey, waxaanu kuu soo jeedineynaa inaad qaranka & ummadaba daba qabateyso qaladaadka dhacey ee taagana add saxdo, waxaad ku sixi kartaana waa sharciga ood ka shaqeysiiso oo noqda mid cid walba ka sareeya, xabagta isu keen haysa ee aynu qarankan aynu ku mideysanahey ku dhismayaana xumantana deyrka inooga noqoneysaa waa sharciga oo shaqeeya lagu dhaqmo.

Madaxweyne waxaanu ku soo gabagabeyneynaa Bayaankayagan oonu ku leenahey Xaqood Gacanta Haysaa ILLAAH Kugu Gargaaraa.

Wa BILLAAHI TAWFIIQ

1. C/fataax Siciid Muuse (qoorcase)
2. Muatafe Xassan Cismaan (Faas)
3. Axmed Muumin Ayaanle
4. Khaliil Jaamac Yuusuf
5. Cawil Cali Sugule
6. Yaasiin Muxumed Xassan (Deyr)
7. C/raxmaan Caydiid Muuse
Berbera
Somaaliland