Uncategorized

Markab Sida 2500 Oo Neef Oo Geel ah Oo Sucuudigu Xanuun Ku Arkay Oo Saaka La Filayo inuu Berbera Ku soo Xidho

Berbera:19-March-2014(SDN)-Waxa Saaka La Filayaa inuu Degedda Magaalada Berbera ku soo Xidho Markab ay Saaran yihiin Laba kun iyo Shan boqol(2500) oo Neef oo Geel ah oo Lagu Soo Celiyey Dalka Sucuudiga, kadib markii Baadhitaano Sucuudiga Dhexdiisa lagaga Sameeyey lagu ogaaday inay Xanuunka leeyihiin.

 

markabakWarar ka soo Baxayey Ilaa shalay Dalkaas Sucuudiga, Gaar ahaan Xarumaha u qaabilsan Baadhista xoolaha Dibadda uga Yimaadda ayaa sheegayey in Geelaasi ku Guul darraystay inuu Fuliyo Shuruudihii uga dhignaa dhinaca  Caafimaadka oo si weyn loo ilaaliyo, waxana Laga waayey wax  si rasmi ah u caddaynaya Sida uu caafimaadkiisu yahay iyo Hannaankii Baadhitaanka loogu sameeyey xilligii uu Berber aka Baxayey.

Warar kale oo aanu hayno ayaa sheegaya in Geelaas aan si Haboon oo sharciga waafaqsan loogu sii Baadhin Maxjarka Berbera, taasina ay Keentay in Sucuudigu si Fudud iskaga Soo Celiyo.

Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxjarka Berbera ee Xoolaha Lagu Baadho, ayaa xaqiijiyey Soo Celintaas, waxana ay Xuseen in Markabkaas lagu Magacaabo  Tayba, islamarkaana Cillada loo Soo Celiyey ay Tahay kaliya dhanka Baadhista oo Saluug ka jirey,  iyadoo Tiro kooban oo ka  mid ahna Lagu Arkay Xanuunka Buruseelaha oo Xoolaha ku  badan.

Dr: Cali waxa uu sheegay sida jawaabta Sucuudiga ka muuqata in labadii boqol ee Geel ahba shank a mid ahi ay qabaan xanuunkaas hase yeeshee waxa uu ku dooday in mararka qaarkood uu xanuunkaasi soo baxo inta Markabku dhexda ku sii jiro.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa shaki weyn ka Muujisay Geelan la soo Celiyey, waxana Haatan La Bilaabay in si weyn loo Baadho Dhammaanba Geelasha loo Dirayo Waddamada Dibadda, iyadoo sidoo Kale Haatan culays La Saaray Dadka Baadhitaanka Maxjarka ku qoran oo Hawshooda Gaabis ka Noqday.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com