Uncategorized

Singapore OO Ku Soo Biirtay Hawgallada Budhacadda Badaha Somalida Lagu Cidhib Tirayo

Singapore City:19-March(SDN)-Waxa Soo Badanaya Dawladaha ku Biiraya Hawlgalka lagaga Soo Horjeedo Kooxaha Budhcad-badeeda Soomaalida, iyadoo Haatanna ay ku soo Biirtay Dawladda Singapore.

merkelDowlada ayaa sheegtay in ku dhawaad 151 ciidamooda ka mid ah ay kusoo biireen howlgalka ay jiraan kuwo kale oo ka hadhay howlgalka lagu badalay ciidamadaasi, sida saraakiisha ay sheegeen.

 

Waxay la dagalaamayeen kooxaha budhcad badeeda Soomaalida, kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay uu ku yimid hoos u dhac aad u weyn, taas oo Keentay in Dawlado cusubi yimaadaan, maadaama kuwii hore ay ka Tegayaan, isla-markaana la diidan yahay  inay Kooxahaasi Fursad cusub helaan.

 

Col Cheong Kwok Chien, oo ah taliyaha ciidamada hogaaminaya ayaa sheegay in ciidamadaasi ay kasoo dhoofeen jamhuuriyada Singapore, iyadoo lagu soo qaaday diyaarad helicopter.

Ciidankan ayaa Degeya Dhinaca Xeebta oo maraakiibtoodu ku sugan yihiin, waxana ay Ballan ku qaadeen inay Si weyn uga Hortegi doonaan Hawlgallada ay Kooxahaasi Badda ka sameeyaan iyo isku dayada ay Maraakiibta Halkaas isticmaasha ku afduubtaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com