Uncategorized

“Qalbi Gudhan Miyaa Qosol lagu Godlaa” Waxaan Leeyahay Jilayaasha Qaawan…” Mujaahid Cali Guray

Hargfaysa 19.March 2014 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Si Ba’an u dhaliilay Safarka uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hogaaminayaa ku soo mareen Inta badan Gobolada Dalka kaas oo uu ku Micneeyay Mid Xukuumadiisu ku doonayso inay ku Kasbato Cimri dherer iyo Mudo kordhin ,kaas oo ay ka danbeeyaan Sida uu sheegay Raga ka mid ah Golaha Wasiirada ,Sidoo kale Waxa uu duray Dhagax dhigida Madaxweynaha ee Mashaariic laga Hirgalinayo Gobolada uu Kormeerka u tegay.

Cali GurayMujaahid Cali Guray ayaa Sidaa ku Sheegay Qoraal uu soo dhigay Boga uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Face Book kaas oo u dhignaa Sidan:- “Safarkii madaxwayne Silanyo danta laga lahaa nin rag ihi na wuu garanayaa nacas na loo sheegi maayo. Cidda ka dambaysay abaabulka safarkan madaxwaynuhu waa cid daba socota oo damacsan inay waxba kama jiraan ka dhigto hadal hore uga soo yeedhay Madaxwaynaha laftiisa kuna jiray khudbad sanadeedkii uu ka hor jeediyay labada aqal ee Baarlamanka Somaliland kaas oo nuxurkiisu ahaa in marka, waa Madaxwaynaha eh, ay muddo xileedkiisu dhamaato aanu diyaar u ahaan in maalin loogu daro, taas oo micnaheedu yahay in doorashada madaxtooyada ay dhici doonto hadii Alleh yidhaa 26ka bisha Juun ee kal dambe si 27ka bisha July na uu xilka ula wareego madaxwayne ay si dimuqraadi ah dadwaynuhu u soo doorteen.

Sanadkan gudihiisa oo hadana madaxwaynaha looga fadhiyo in uu jeedin doono khudbad sanadeedkiisa sidii caadada u ahayd waxa laga filayaa in sidii uu hore u sheegay hadana mar kale ugu cadayn doona shacbiga Sonaliland in aanu wax hunguri ihi kaga jirin waxa loo yaqaan muddo korodhsiga oo ka baxsan gebi ahaan ba sharciga. Taas oo hadii uu kaga rumeeyo cidda ugu horaysa ee soo dhawaysay soo na dhawayn doontaa ay tahay shcabiga Somalland guud ahaan, gaar ahaan na labada xisbi ee mucaaridka ah. Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye laftiisa waxa intii lagu gudo jiray qabyo tirka hawlaha muhiimka ee suurtogelinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiilada ba wax dibin daabyo ah iyo carqaldo ah mid na lagu arag balse si niyad sami iyo daacadnimo ayuu kaalintiisa mar walba u qaadanayay ka soo baxay isaga oo weli ba si hagar la’aan ah uga la shaqaynayay labada xisbi ee kale, komishanka doorashooyinka iyo daneeyayaasha kale ee caalamiga ah ba.

Sida muuqata ma jiraan sababo macquul ah oo keeni kara dib u dhac lakiin halka balaayadu ka taagan tahay waxa muhiim ah in la fahmo in aanay ahayn Madaxwaynaha iyo Xisbiga Kulmiye iyo xataa xukuumadda iyo baarlamanka midna ey jiraan koox daneed awood badan oo ku takri fasha xataa Madaxwaynaha awoodihiisa si qalad ah oo sharci darro ah na u adeegsata oo danahooda gaarka ugu meel marsata oo isugu jira kuwo xilal haya iyo kuwo kale oon wax xilal ah qaranka u hayn hadana ugu awoodo badan marka ay tahay talada qasriga Madaxtooyada.

Hadii uu madaxwaynuhu mar iyo laba ba meel fagaare ah ka cadeeyay in aanu maalin ku darsan doonin mudadii xilka loo igmaday cidda keliya ee taa ku diidani waa koox daneedka aynu soo sheegnay oo iyagagu tuur iyo tarbiico ba isu yeelaya sidii muddo kordhin xaaraan ah ay ugu qasbi lahaayeen dalka iyaga oo adeegsanaya awoodaha boolida ah ey ku takri falayaan oo ay ku jiraan ta Madaxwaynaha iyo haya’daha kale qaranku ba.

Socdaalkan Madaxwaynaha ayaa gebi ahaan ba wuxu ka mid yahay mashaariicda ay koox daneedu ugu gogol xaadhayso muddo kordhinta ay iyagu u arkaan inay dan u tahay iyo sidii ay taageerada shacbiga ugu heli lahaayeen. In kasta oo marka si run ah loo qiimeeyo aanay haba yaraato eh wax taageero ah ugu helin hada na indho sarcaadka iyo dhagaxyo dhig dhigidda ee warwareejinta odayga ka daali maayaan ee way sii wadi doonaan.

Marka aynu dib u eegno xiligii Siyaad Barre waxa aynu ka maraynaa markii markii madhnaantii kacaanka la ogaaday, seeftiisi na af beeshay ee si loo dardar geliyo la qaaday ololaha cusub ee loo magac bixiyay ” LABA KACLAYNTII KACAANKA”. Hal abuurka caanka eh ee Cabdi Qays ayaa laba kaclayntii kacaanku yidh:
FILIMKII AN QUUFLIYO
QARNI HORE MAR DAAWADAY
QISADAY METELEYEEN
JILAYAASHA QAAWANI
QOOR MURUX HADUU RABO
QASAB INAAN KU DAAWADO
QORSHIHIISU WAA BEEN

Sidaa daraadeed JILAYAASHA QAAWAN waxan leeyahay shan sanadood hadii ummadani idiin dulqaadato oo dhibtiina xamisho oy iska ba dakaystaan wax ka badan ha ka doonin ilayn hore ayaa loo sheegay “AWR XAMUULKII WUU QAADAA XADHIG QALOOCAN SE MA QAADO”.
Dhinaca kale hadii madaxwaynihii la doortay ba taagan yahay maalin la iigu darimaayo ka xishooda oo ixtiraama oo beenaale ha ka dhigin ilayn waa wacad uu ilaahay hortiisa qaaday ilaahay na wuxu yidh OODIYA HADII AA QAADAAN WACAD. WACADKU WAA XIL EH(WA UUFUU BIL CAHADI, INAL CAHDA KAANA MASUULAA).

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com