Crimea Mar 19,2014(SDN)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vlademir Putin ayaa qalinka ka duugay la soo noqoshadii gobolka Crimea ooh ore Ruushka uga tirsaneyn balse mudo haatan ka mid aheyd dalka Ukraine.
Ruushka oo ciidamo faro badan dhawaan ku daad gureeyay gobolka Crimea ayaa cod geliyay rabitaanka shacabka gobolkas oo u codeeeyay in ay dib ugu biiraan Ruushka.
Dawladaha reer Galbeedka ayaa cabaad dheer oo ay ku diidan yihiin rabitaanka Ruushka ee dib ula soo noqoshada Cromea.
Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa manta qalinka ku duugay dib ula soo noqoshada gobolka Crimea oo mudaba dalkaa ka maqnaa.
“Dawlada Mareykanka waxa ay todobaadyadii u danbeysay ku hadaaqaysay hadalo daan daansi ah oo ka dhan ah madax banaanida dal dunida ka jira, xadkana waa ay ka gudbeen” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Ruushka ayaa shacabka Crimea si rasmi ah ruushka ugu soo dhaweeyay isla markaana sheegay in aanu duulaan ku ahyen Ukraine.
Talaabada Putin uu Crimea ku qabsaday ayaa waxa ay fariin u direysaa dhamaan goboladii dhawaanta ka goostay Ruushka eek u sii siqayay siyaasadaha reer galbeedka eek a dhanka ah Ruushka.
SDN-Crimea
contact@somalidiasporanews.com
