Uncategorized

Ciidamada FBI-da Mareykanka oo hurdo ka ledi waayay dhalinyaro Soomaali ah oo burcad ah

Minneapolis Mar 19.2014(SDN)-DALKA Mareykanka ayaa ciidamada amaanku ay la tacaalayaan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcada ah ee dhalinyarada u badan oo iyagu masuul ka ah kala bar fal danbiyeedyada ka dhaca falka Mareykanka.

Ciidamada FBI-da ayaa la sheegay in hurdada ay ka ledi waayeen in ka badan 11 kooxood oo burcadnimo ka wada Mareykanka isla markaana ay ka mid yihiin dhalinyaro Soomaaliya.

Dhalinyarada Soomaalida ee Burcadnimada isku urursada oo loo yaaqaano Gangs ayaa lagu arkay magaalooyinka Seattle,San Diego iyo Minneapolis.

Burcadan Soomaalida ayaa ku dhexmilma kooxo hore burcadnimada hore loogu yiqiinay halka qaar kale oo badana ay kooxo cusub oo Soomaalida u gaara ay abaabuleyn.

Burcada Soomaalida ayaa ku hawlan  in dadka sifo sharci daro ah ay ku geeyaan dalka Mareykanka iyo sidoo kale dhaca hantida iyo ka ganacsiga jirka haweenka.

Burcada Soomaaliya ayaa dhibka ugu badan ka geysta magaalada Minneapolis oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay isku laayeen xagaagii ina dhaafay.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com