Uncategorized

Dareenadii Saaka ee Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Burco iyo Mashaariic uu ka qayb galay SAWIRO

Burco 19.March 2014 (SDN)-Weftigii Madaxweynaha xalay u seexday Magaalada Burco ayaa saaka ku waa bariistay Magaaladii oo aad boodo in daad ku soo rogmaday markii ay isa soo tubeen dadweyne aad u  tiro badani Guriga Martida hortiisa oo uu madaxweynuhu xalay ku hayday markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Guri Martiyeed oo Dabaq a.

 

Madaxweynaha oo u soo baxay saaka si uu mashaariic uga fulin lahaa Gobolka Togdheer gaar ahaan Caasimadiisa Burco ayaa waxa uu xadhiga ka jaray Guriga aadka u quruxda badan ee loo dhisay Gobolku inuu dad ka ku soo dhaweeyo marka martida loo yahay.

 

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu la hadlay kumanaan dadweyne ah oo hadii usha cirkaa loo tuuraa aanay qof mooye cid kale ku dhacayn.

 

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay in uu xadhiga ka jaro Xarunta wakaalada Biyaha burco ay u dhistay 5 Mishiin iyo Hal-ceel oo ah kuwa magaalada biyaha siiya.

 

Isaga oo madaxweynuhu sii wata hawlihiisa mashaariiceed ee gobolku ku talaabsaday isaguna uu hormuudka ka yahay waxa uu ka qaybgalay xalada qalinjebinta Jaamacada Burco isaga oo sawiro la galay Ardayda Jaamacada Burco taasi oo ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee Ardaydiisa siiyey wakhti ay kula galaan Sawir Photo-Group ah, kadibna waxa uu xadhiga ka jaray ICT-Library kaasi oo ay u dhistay Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM Jaamacada.

 

Sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray dhismo loogu talo galay inay degaan Martida jaamacada Burco wax ka dhigaa taasi oo ay suuragelisay dhistayna Shirkada Dahabshiil Group.

Wixii intaasi ka danbeeyeyna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Hoolkii Xalada Qalinjebintu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen 121 Arday oo ay maanta u ahyad Maalintoodii kana muuqatay Farxad iyo dhoolacadayn dheeriyi madaama ay heleen waxay ku riyoonayeen oo ahaa inay mar uun indhaha ka qaadaan reer Burco Madaxweyne Somaliland hogaaminaaya oo fadhiya xalada Qalinjebintooda.

 

Madaxweynaha oo shahaadada First Degree gudoonsiiyey 6 Arday oo ahaa kuwii ugu sareeyey Kuliyadaha Jaamacada iyo Intii gacan ka gaysatay hirgelinta iyo dhiirigelinta jaamacada Burco University, waxaanu ugu danbayn dhagax u dhigay Madaxweynuhu wadada Jaamacada Tegaysa.

 

Waxaanu uga sii gudbay suuqa weyn ee Magaalada kaasi oo ahaa maanta mid aad moodo in daad ku soo rogmaday lafahaagana aad uga baqayso inuu qof ku dulmaro sida baabuurka ama ku qariyo kolanyo baabuur ah dadkaasi oo ku dhaqaaqayey soo dhawoow madaxweyne iyo Ereyo kale oo badan.

Waxaanu xadhiga ka jaray wado halbowle u ah Burco taasi oo ay ku soo xoomeen dadweyne aad ku qiyaasi karto markaad fara-badnidooda aragto Shini mooye aanad is odhan Karin.

 

Waxaanu Madaxweynuhu ku soo guryo noqday Guriga Martida oo uu degan yahay hada waxaana la rajaynayaa inuu maalmo ku sugnaado Gobolka kana hirgeliyo Mashaariico farabadan oo ka hirgalay gobolka.

IMG_0831 IMG_0799 IMG_0779 IMG_0771 IMG_0753 IMG_0744 IMG_0721 IMG_0688 IMG_0645 IMG_0594 IMG_0591 IMG_0575 IMG_0570 IMG_0558 IMG_0505 IMG_0499 IMG_0487 IMG_0476 IMG_0472 IMG_0469 IMG_0463 IMG_0457 IMG_0455 IMG_0453 IMG_0434 IMG_0432 IMG_0430 IMG_0428 IMG_0423 IMG_0420 IMG_0417 IMG_0404 IMG_0389 IMG_0388 IMG_0385 IMG_0382 IMG_0376 IMG_0372 IMG_0338 IMG_0324 IMG_0306 IMG_0286 IMG_0271 IMG_0247 IMG_0238 IMG_0228 IMG_0217 IMG_0194 IMG_0187 IMG_0182 IMG_0177 IMG_0173 IMG_0168 IMG_0157 IMG_0150 IMG_0123 IMG_0108 IMG_0103 IMG_0097 IMG_0093 IMG_0087 IMG_0084 IMG_0077 IMG_0073 IMG_0063 IMG_0057 IMG_0051 IMG_0043 IMG_0032 IMG_0029 IMG_0019 IMG_0008

Burco SDN.

Qurbejoog.com