Cashadan oo ahayd in la isku laab-xaadho, ayaa ugu dambayntii ku dhamaatay jawi farxadeed, waxana ay ergooyinka iyo madaxweyne-ku-xigeenku kala tageen inay sii ambaqaadaan shirweynaha oo ay iska dhaafaan dhacdadaas hore.
Ergooyinka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel ayaa si weyn u tuhunsan inaan xisbiga dhexdiisa iyo xukuumadda midna cid firfircoon oo cadkooda goysaa ugu jirin, marka laga reebo madaxweyne-ku-xigeenka oo Hawlihii qaranka la tacaalaya.
Sidoo kale waxa ay ergooyinkani qaateen sawir muujinaya inaanay xisbiga dhexdiisa ku haysan wax ixtiraam ah, maadaama ay hore caan ugu soo ahaayeen Xisbigii Baaba’ay ee UDUDB.