Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Wuxuu Tacsi Gaadhsiinayaa Mulkilayaasha KAAH HOTEL

London May 03,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Oo wakhtigan ku sugan dalka Filand isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka Xibiga  Waddani, waxa uu Tacsi gaadhsiinyaa mulkilayaasha KAAH HOTEL, isagoo ka tacsiyaynaya Hantidii ku gubatay  galabta fiidkii dab qabsaday Xarunta Ganacsiga ee KAAH HOTEL.

Waxaanu isagoo arikaasi ka hadlaya yidhi “Waxa aan halkan tacsi uga dirayaa Muwaadiniinta Mulkilayaasha KAAH HOTEL oo hanti badni kaga gubatay dab qabsaday galabta fiidkii  khasaare balaadhanina soo gaadhay, Waxaan illahay uga baryayaa inuu meel kale ka siiyo hantidaasi khasaaru soo gaadhay.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com