Uncategorized

Khasaaraha Qaraxyo isdaba-joog ah Oo Habeenkii Xalay Ka Dhacay Mombasa

Mombassa:May,04,2014(SDN/QJ)-Waxa sii badanaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxyo isdaba joog ahaa oo habeenkii xalay ka dhacay magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya.

mobmaaa Warbaahinta Dalkaasi Kenya ka soo baxda ayaa warar kala duwan ka soo saaraysa Dhacdooyinkaa, Waxana uu Wargayska Daily Nation uu sheegayaa in Dhimashadu ay ilaa iyo Haatan marayso 3-qof, halka ay tiro toban ka badanina dhaawac tahay.

 

Ciidamo aad u hubeysan iyo kooxaha gurmadka ayaa u cararay goobta qaraxyada ay ka dhaceen, kuwaasoo gurmad u fidinaya dadka mashaqada ay ku habsatay.

Qaraxa koowaad ayaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan basaska shirkadda Chania kaasoo kuwaas oo ka shaqeeya inta u dhexeysa Mombasa illaa magaalada thika.

Qaraxa ka dhacay hotelka caanka Riif oo u dhow xeebta Niyaala Beach, ma jirto wax dhaawac ama dhimmasho la soo wariyay balse waxaa ku sugnaa markii uu qaraxa dhacay  Dad aad u badan.

Majirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxayna imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgallo ballaadhan oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda sheegtay.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com