Buuhoodle:May,04,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, isla-markaana horboodaya Maamulka Khaatumo ee aan Natiijada Gaadhin, ayaa sheegay inay Rabitaanka KHaatumo ka dambayso Cadaadis kaga yimi Somaliland iyo waliba Maamulka Puntland.
Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayey Magaalada Buuhoodle, ayaa Shacabka Halkaas Deggen u sheegay inaanay Bulshada caalamku wali waxba u qaban oo ay jiraan Qabyoobin xad-dhaaf ah oo horyaallaa.
“Maamulka aad Buuhoodle ka dhisateen wax mashaariic ah oo bulshada caalamka laga helay ma jirto mashaariicdan garoonka iyo waddada farasmagaalaha waa waxa adduunweynuhu somalia ugu soo gurmaday.” Ayuu yidhi Cali khaliif.
Sidoo kale waxa uu cali khaliif hoosta ka xariiqay inuu ka qayb galay Shirarkii lagu aasaasay Somaliland horraantii sagaashanaadkii, isla markaana ay Somaliland aaminsan tahay inay horumar iyo Nabad gaadhay isaguna uu taageersan yahay horumarka, waxana uu yihdi,
“reer buuhoodle maamulka Bidixda inaga xiga ee Somaliland shirarkiisii baan ka qayb galay kii Burco lagu qabtay bishii april, 1991-kii iyo kii Boorama 1993-kii, ilaa waagaasna waxa la waday Adduunkana lagu kasbanayey waxbaanu dhisnay oo nabad baanu nahay, haddii ay gaadheene kaga masayri mayno, sidaas oo kalena Puntland shirarkeedii waa laga qaybgalay laguna faani maayo.”
Cali khaliif waxa uu tilmaamay inaanu rajo weyn ka qabin dhinaca Somaliland, isla-markaana ay ku hungoobeen dhismihii iyo wax wada qabsigii ay la lahaayeen maamulka Puntland,
“Khaatumo waxa dadka ku kallifay inay dhistaan Somaliland waa laga qaybgalay oo waa laga quustay, kaas puntand si hagar la’aan ah baa looga qaybgalay, Puntland derisna waa la yahay Ehelna waa la yahay dano badanna waa la wadaagaa, laakiin waxayga iyo waxaagaba aan cuno saw waalli ma aha, reerkaa Tolkeenna midda la isku hayaa waa taas danta naga dhaxaysaana waa noo muuqata farsamada iyo habka ay hatan wax u wadaana nama anfacayso.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Cali khaliif oo wali gacanta ku haya Durbaankii colaadeed ee uu Bariga Somaliland ka garaacayey, ayaa sheeganaya inuu shir u qabanayo Dadka deegaankaas, kaas oo uu aaminsan yahay inuu maamul kale oo khaatumo la yidhaahdo ku dhisi doono.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
