Wasiirka ayaa Magaalada Si caadi ah oo aanay soo dhaweyn masuuliyadeeda ka muuqan galay Magaalada, Waxan si weyn goobo magaalada ka sokeeya ugu soo dhaweeyey Odayaasha iyo waxgaradka Beeshiisa.
Sida ay noo sheegayaan wararka aanu halkaas ka helaynaa, waxa uu Xaglo-toosiye markiiba si goos ah u beegsaday Aqalka uu Buuhoodle ku leeyahay, isagoo aan wax dhibaato ah kala kulmin Kooxaha Hubaysan ee Magaalada ku sugan, iyadoo ay hareero socdaan Odayaasha iyo waxgaradka ay isku beesha yihiin.
Shacabka magaalada ku dhaqan ayaa intiisa badani waxay Ku Dawakhsan yihiin dhinacyada isku haya Maamulidda Magaalada Buuhoodle, iyadoo ay haatan ku sugan yihiin Buuhoodle xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Cali khaliif oo halkaas ka abaabulaya xaalad dagaal iyo colaado hor leh oo lala galo Somaliland.
Safarka xaglatoosiye oo Somaliland ka socdaa waxa uu caqabad ku yahay maamulka Khaatumo oo haatan ku hawllan sidii uu shacabkaas iyo Somaliland ukala dhex dhigi lahaa cadaawad iyo necayb.
Xagla-toosiye ayaa waxa magaalada ku soo Dhaweeyey Gawaadhi gaashaaman oo ay Beeshiisu leedahay, waxana uu muujiyey inaan Buuhoodle cid ka hor istaagi kartaa jirin, iyadoo arrintaasina niyadjab ku ridday horjoogayaasha Khaatumo.
Guushan siyaasadeed ee uu soo hooyey Wasiir Xaglo-toosiye ayaa muujisay sida ay shacabka Reer Buuhoodle ugu kalsoon yihiinInay wax la qaybsadaan Walaalahooda Somaliland, maadaama oo ay ka caalwaayeen kana daaleen colaadaha iyo dagaalka ay kooxda KHaatumo la dul joogto.
Cali khaliif ayaa waday Gaadhi cusub oo Ambulance ah, kaas oo sida la hubo uu ku wareejin doono Maamulka Buuhoodle oo baahi weyn u qaba in la siiyo Wax badan oo ay maanafacaadsadaa, maadaama ay Somaliland inteeda kale ka hadheen oo colaado daashadeen.
Lama garan karo muddada uu Xaglo-toosiye halkas ku sii sugnaan doono, waxase muuqata inuu helay kalsooni iyo taageero gaar ah oo beeshiisa ah, iyadoo haatan wixii ka dambeeya aan looga warwarri doonin booqashooyin uu Buuhoodle ku tagi doono.