Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Jidka Kala Baydh iyo Wajaale SAWIRO

siilaanyo berberaHargaysa 04.May 2014 (SDN)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada tog-wajaale halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

 

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland ayaa markii uu magaaladaasi gaadhay waxa uu Xadhiga ka jaray wadada laamida ah ee isku xidha degmooyinka Wajaale iyo kalabaydh oo dhismaheeda si guul leh ku soo gebageboobay.

 

Madaxweynaha oo la hadlayey dadweynaha Degmada Togwajaale ee Gobolka Gabiley  ayaa sheegay inay ka dhabaynayaan ballanqaadadii xukuumadiisa, wadadan laamida ah ee togwajaale-na ay ka mid tahay mid bilow u ah horumar ay ku talaabsan doonto magaalada togwajaale oo muhiim u ah dakhli soo saarka wadankan JSL

Dhankoodana ururada Bulshada ee Gobolkaasi ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku muttaystay dadaalka uu ugu jiro in haweenka Somaliland ay kuraas kootto ah ka helaan golayaasha  dawladda dhexe iyo kuwa heer deegaan.

 

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada oo ay hoos timaaddo hay’adda waddooyinka Qaranku oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay xilligan gacanta ku hayso dhismaha 38 waddo oo laami ah oo laga hirgelinayo Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

IMG_0069 IMG_0089 IMG_0107 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0115 IMG_0116 IMG_0121 IMG_0123 IMG_0126 IMG_0133 IMG_0138 IMG_0146 IMG_0157 IMG_0172 IMG_0185 IMG_0193 IMG_0195 IMG_0226 IMG_0253 IMG_0259 IMG_0276 IMG_0277 IMG_0297 IMG_0299 IMG_0313 IMG_0320 IMG_0321 IMG_0337 IMG_0338 IMG_0340 IMG_0348 IMG_0355 IMG_0358 IMG_0369 IMG_0376 IMG_0388 IMG_0411 IMG_0414 IMG_0428 IMG_0444 IMG_0471 IMG_0481 IMG_0495 IMG_0501 IMG_0533 IMG_0534

 Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com