Hargaysa 04.May 2014 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee hal qof,ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay booyad shidaal oo ku gaddoontay agagaarka xaruntii hore ee ay ku jirtay UNICEF ee magaalada Hargeysa ugu yaraan laba gurina wey ku shuf beeleen.
Booyada shidaalka sidday,ayaa ka soo daadegtay dhanka jidka ka yimaadda xaafadda Xero Awr waxaanay ku gaddoontay meel aan ka fogayn halkii ay hore ugu jirtay hayada UNICEF,kadib markii ay booyaddu gaddoontay waxaa halkaa ka dhashay qarax uu sameeyay shidaalkii ay sidday kaasoo noqday dab aan la bakhtiin Karin oo ka awood batay dadwynihii u soo gurmaday markii ay booyaddu qalibantay.
Waxaana ku geeriyooday dirawalkii booyadda waday hal qof oo kalena wuu ku dhaawacmay,dabkii ka dhashay qaraxa booyada dhacday ee shidaala sidday,ayaa gaadhay guryihii ka agdhawaa waxaanay wararku intaa ku darayaan in laba ka mid ah guryaha uu dabku gaadhay ay shuf beeleen,hantidii taalayna ay ku gubatay .
Shalay Galab ayay Ku Beegnayd Markii uu dab Xoogani ka Kacay Kaalinta Shiidaalka ee Kaah oo ku taala Bariga Caasimada Hargaysa taas oo uu dhaawac ka soo gaadhay Afar Ruux isla markaana ay hanti badani ku baa’baday.
Khasaaraha ka dhasha inta badan dabka ayaa Noqday aafo ay Somaliland Xakame u Weyday iyadoo ay Faro ku tiris noqdeen Gaadiidka la Tacaala Marka uu dabku dhasho ee damdamiska .
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/TaliyahaBooliskaDab.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
