Nairobi:May,09,2014(SDN/QJ)-Midka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa sheegay inay Ku Hawllan yihiin qorshe Gollaha lagu hor keenayo mooshin ka dhan ah Joogitaanka Ciidanka Kenya ee Somalia.
Mr Ronald Toni oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Mooshin uu ka gudbin doono sida uu udoonayo Askarta Kenya ee howlgalka AMISOM katirsan in laga saaro Somaliya.
Waxa uu Xildhibaanku sheegay inay joogitaanka ciidankooda gudaha Somaliya ay dalka Kenya ka abuurtay Nabad gelyo Xumo magaalooyinkeeda ka dhaca hadii ay sii joogaana ay xaalada Amni xumo ay kasii dari doonto.
Hadalka Xildhibaankaan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Rutto uu sheegay inaan ciidankooda Kusugan Somaliya aysan kala bixi doonin.
Kenya wax aka jooga Somalia ciidamo tiro badan oo goobo iyo magaalooyin Somalia ka tirsan gacanta ku haya, waxana ay taasi ku keentay inay Kooxaha Alshabaabku badhtilmaameedsadaan Dalka Kenya, qaraxyana ka fuliyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
