Uncategorized

Qaramada Midoobay iska Fogaysay Ku-lug-Lahaanshaha Mooshinka Madaxweynaha Ka Dhanka ah

Muqdisho:May,09,2014(SDN/QJ)-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan somalia Nickolas Kay, ayaa iska fogeeyey wararka sheegaya in Beesha caalamka iyo qaramada  Midoobay ay cadaadis ku saareen Baarlamaanka in mooshin ka dhan ah la keeno.

nicholas kayNickolas Kay oo maalintii shalay Warbaahinta shir ugu qabtay xafiskiisa, ayaa sheegay inaanay qaramada midoobay wax lug ah ku lahayn in madaxweynaha Meesha laga saaro, isla-markaana aanay waxba kala socon isku dayga ay Baarlamaanku Madaxweynaha Iscasilaadda kaga Codsanayaan.

Waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay aad uga xun tahay khilaafka ku soo noqnoqday Xukuumadda iyo hoggaanka dalka balse uu Go’aanku gacanta dadweynaha somaliyeed ku jiro, taasna ay ku ixtiraami doonaan.

 

Waxa uu Nickolas Kay  xusay inuu dhawaan la kulmi doono  Barlamaanka Somalia si uu wax uga ogaado Arrinta ay wadaan, isla-markaana uu Kulan kale la yeelan doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

Nickolas Kay ayaa Hadalkiisani imanayaa xilli uu Khilaaf xooggani ka dhex qarxayMadaxweyne Xasan Sheekh iyo waliba Xubno Tiro badan oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia.

Maalmahan ayaa waxa soo baxayey in Iskudayga ay Baarlamaanku ku doonayaan inay Xilka kaga qaadaan Madaxweynuhu ay  tahay Tallaabo uu Nicolas Kay ka dambeeyo, waxase uu meesha ka saaray inuu lug ku leeyahay arrintaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com