Muqdisho:May,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga yeedhay Xarunta Xarane ee Garoonka Aadan cadde maanta oo jimce ah.
Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmi doona Saraakiisha AMISOM iyo waliba Saraakiil cadaan ah oo ka kala socda Dalalka Talyaaniga, Britain, Mareykan iyo Faransiiska.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxa uu barbar socdaa Mooshino ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo iyagu dalbaday inuu is Casilo Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Madaxweyne Xassan ayaa la filayaa in maanta Saraakiishaasi isugu jiro cadaanka iyo AMISOM ay Su’aalo ka weydiin doonaan habdhaqabka DFS iyo caga-jiidka ay ku heyso Siyaasadda.
Lama Oga Natiijada kasoo bixi doonto kulanka ay maanta wada qaadan doonan inkastoo mar waliba la filan karo in Xassan Sheekh uu cadaadis kala kulmo Saraakiishaasi.
Lama garan karo sidoo kale waxa ay saraakiishaasi ku diideen inay madaxweynah ku Booqdaan Xaruntiisa, waxase jira warar sheegaya inay ka cabsi qabaan ammaanka madaxtooyada, maadaama hore ay u dhacday in madaxtooyada la weeraray maalin cad.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
