Nairobi:May,09,2014 (SDN/QJ)-Koox Hubaysan oo loo Malaynayo inay Yihiin Al-shabaab, ayaa la wareegay Deegaanka Kulan oo ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya.
Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ahi, waxa ay Kooxdani ka soo gudbeen Xudduudda Somalia, waxana ay Gacanta ku dhigeen Deegaankaas oo aanu markii horeba wax maamul ahi dhex joogin.
Deeganka Kulan, waxa uu 45km u jiraa xerada qoxootiga Dhadhaab ee gobalka Waqooyi-Bari Kenya.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dableyda weerartay dalka Kenya, waxaana la sheegayaa in ay soo galeen xalay fiidkii iyagoo ka kooban 5o rag ah , isla-markaana watay hub culus, kuwaasoo markii ay deegaanka soo galeen rasaas u diray afarta jiho.
Dadkii ku noolaa deeganka ayaa kala cararay waxaana qaar badan ay galeen duurka.
Si dhab ah looma oga xaaladda deeganka Shabaabku qabsadeen waayo waxaa go’an isgaadhsiinta, mana jiraan siyaabo kale oo warkeeda loo heli karaa.
Ma jirto wax ahmiyad ah oo ay leedahay deeganka Shabaabku qabsadeen marka laga reebo in uu weerarka ay qaadeen uu ka mid yahay weerarro dhowr ah oo lagu qaaday dalka Kenya.
Kenya ayaa dhawaanahan la kulmeysay qaraxyo iyo dilal ka dhaca dalkeeda kuwaasoo jawaab u ah howgallada ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
