Muqdisho:May,09,2014 (SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya Xogaha iftiiminaya Ujeeddada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maanta u tegay Xarunta Xalane ee Magaalada oo looga arrimiyo Hawlgalka AMISOM.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu halkaas kula kulmay saraakiil ka socda beesha caalamka gaar ahaan kuwa deeq biyaasha oo uu si weyn u danaynayey la kulankooda.
Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka qaybgalay xaflad lagu xusaayay maalinta Yurub oo 9-ka bisha May sannad kasta adduunka oo dhan laga xuso oo muqdisho dhexdeeda laga xusay, gaar ahaan isla-goobtaas.
Waa markii labaad oo maalintan laga xuso magaalada Muqdisho, mana cadda sababta looga xusay iyo cidda mas’uul ka ah in kastoo dowladda itaalkeeda uu ku xidhan yahay reer galbeedka.
Madaxweynaha wuxuu kaloo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobau oo uu ka mid tahay Nicholas Key, wuxuuna kala hadlay siyaasadda cusub ee dalka ku soo koradhyay iyo waliba eedihii isaga ku xidhiidhinayey is-casilaada loo jeedinnayo.
Madaxweynaha iyo saraakiisha QM ayaa si weyn uga doodday sababta keentay in xildhibaanno kor u dhaafaya 100 ay madaxweynaha ka soo gudbiyaan warqad ay kula talinayaan in uu is casilo maadama sida la sheegayo uu ku Guuldarraystay wax ka-qabashada waxyaabihii loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa shaley kulan la qaatay xildhibaanno gaadhaya 41-mudane kuwaasoo uu ka guddoomay warqad ay ku dalbanayeen in uu is-casilo.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Nicholas Key ayaa shaley si rasmi ah u caddeeyay in beesha caalamka aaney madaxweynaha ku caddaadineynin in uu xilka ka dago.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com
