Muqdisho:May, 09,2014 (SDN/QJ)-Waxa ay Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir bafinaysaa Madaxa Telefisinka Unversal, Axmed Abuubakar Mubaarak, waxana ay Mulkiilahan ka dalbtay inuu Muddo Bil ah ku hor yimaaddo Maxkamadda Horteeda.
Ilaa iyo 3 sano waxaa socotey dacwad ka dhan ah Mulkiilaha Tv-ga Universal, Axmed Abuubakar Mubaarak oo la haystay Dacwado kala duwan.
Dacwaddaha loo haystay Mulkiilaha TV-ga Universal ayaan ahayn qaar ku eg kaliya Caasimaddda Muqdisho, balse meelo badan oo caalamka ka mid ah ayey ka socdeen.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gal dacwadeedku ka furnaa ayaa dhawr jeer looga yeedhay Axmed Abuubakar Mubaarak, balse arrintaas waa uu ka dhega adayyay sida ay sheegtay, waxayna dacwaddu u gudubtey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, oo iyaguna dhawr jeer u yeedhay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Mubaarak uusan dhowrin Qoraalka maxkamadda ka soo baxay, lana soo xidhiidhin Xafiiska Garsoorka, si uu u garbaxo.
Arrintaas waxay dhalisay in Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay soo saarto Qoraal baafin ah oo ay ku baafinayso Axmed Abuubakar Mubaarak meel kasta oo uu joogo gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.
Qoraalka ayaa lagu Qoray: “Maxkamaddu waxay ku amraysaa Axmed Abuubakar in uu maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ku horyimaado muddo 30 maalmood oo ka bilaabanaysa 04/05/2014 kuna eg 06/06/2014, iyadoo la faray Axmed Abuubakar in uu dhawro yeerista loo yeeray.”
Baafinta waxaa ku saxeexan Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Cali (Wariiri).
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com
