Inaa lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Illaahay Naxariistii Janno Ha Ka Waraaabiyo Marxuum Fuaad Sheikh Muhumed Abdalle oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Rochester MN. Magaca Reer Hassan Haji Adan aniga oo ku hadlaaya Waxan Tacsidan Gaadhsiinayaa Reer Sheekh Muhumed Haji Abdalle Gaar Ahaan Caruurtiisii, Dr, Saeed Sheekh, Haji Adan Ahmed Derira iyo Reerkiisa, Ehelkii, Asxaabtii ( Intaydii ay soo wada koreen) iyo Dhammaan Shacabka Somaliland ee uu Marxuumku ka Baxay, Waxanan Illaahay Ha Ka Baryayaa in uu Samir iyo Immaan Saadiq ah Inaga Siiyo Aammiin,
Marxuumka oo in ka badan Nus Qarni ay naga dhaxaysay Taariikh Wadaag Nololeed oo Walaalnimo, Waxan Ku Xaasuusan doonaa Cibaado Wanaagsaneyd oo uu Ku Soo Barbaaray, Akhalaaq Wacan, Deeqsinimo, Samo Talis, Xidhiidhin Fiican iyo Astaan Kasta oo Khayr leh oo Qof Ibnu Aadam ah lagu sheego, Illaahay Cassa Wa Jalla Qabriga Haw Nuuro Innagana Ducada Ha Inaga Aqbalo A Aammiin Aammiin Inaa lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden
