09,May,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid,ayaa maanta Qeddo Sharaf u Sameeyo ilaa 45 Oday Dhaqameed ah oo Ka sicdo Somaliya,Maalmahana ku Sugan Somaliland,gaar ahaana Magaaladda Hargaysa.Xafaladda oo Ujeedadedu ahayd is barsho iyo Soo dhayn,maadaama ay dalka iyo dadkaba Odayaashu marti u Yihiin.
Saraakiisha Xisbiga,ayaa waxay u cadeeyeen in aanay Somaliland Joogin Goobtii ay ka soo noqon lahayd taasna aanu Wakhigu kaga lumin.waxa kale oo ay si Daah-furnaan leh uga Xog-warameen Horumarka Baaxadda leh ee ka Socda Somaliland Iyo waxay dadka reer Somaliland qabsadeen tan markii ay Madax-banaanidooda lasoo Noqdeen Sanadkii 1991-kii.
Si kasta ha haatee waa markii ugu horaysay ee si rasmi ah Odayaashu ula Kulmaan cid ka baxsan Xukuumadda ee la sheegayo inay inay iyadu Casuuntay.
SDN/QJ-Hargaysa
